Araweelo News Network

Ibraahim Daahir Dubbad

Ibraahim Daahir Dubbad

Hargeysa (ANN)Siyaasiga magaciisu yahay Mr. Ibraahin Daahir Dubbad, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo jagada Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaana uu rajaynayo inuu wax badan ku kordhiyo xisbigaas haddii loo doorto xilka guddoomiyenimo.
Siyaasi Ibraahim Daahir Dubbad oo haatan ah Xoghayaha Sayniska iyo Tignoolojiga ee Xisbiga WADDANI, ayaa hankiisa kaga dhawaaqay xaflad lagu taageerayo oo lagu qabtay magaalada Hargeysa xalay, taasoo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, siyaasiyiin, aqoonyahan, cuqaal, waxgarad, haween iyo marti sharaf kale.
“Waxaan bulshada Somaliland la wadaagayaa hankayga iyo damaca aan ka qabo hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, go’aankan waxaan gaadhay, ka dib markii aan la tashaday salaadiinta, cuqaasha, ganacsatada iyo saaxiibadayda siyaasadda, taasoo aan doonayo inaan hoggaamiyo xisbiga WADDANIg, haddii aan ku guulaysto hogaanka xisbiga, waxaan dareensanahay inaan aqoon badan, xirfado badan iyo waayo-aragnimo badan ku soo kordhin doono xisbiga WADDANI, kuwaasoo aan ka soo bartay wadammadii aan muddada ka shaqaynayey. Waxaanan dhallinyarada u boggaadinaynaa inay waddanka u soo jeedsadaan oo ay ka qaybgalaan hoggaaminta waddanka, waxaanan aaminsanahay haddii dhallinyaradu hoggaanka waddanka qabato in aynu soo dhacsan karno ictiraafkeena,” ayuu yidhi Ibraahim Daahir Dubad.
Waxa kale oo xafladaas ka hadashay Milgo Maxamed Cilmi oo ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxayna si adag u beenisay in aanay jirin cid gaar ah loo gartay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaanay sheegtay in kursiga hoggaanka xisbiga WADDANI la siiyey beelaha gobolada Hawd iyo Hargeysa.
Guddoomiyaha Garabka haweenka xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex Mr. Hinda Xasan Idiris oo iyaduna ka hadashay munaasibadan, ayaa si ballaadhan u soo dhawaysay hanka uu aqoonyahan Ibraahin Daahir Dubad ku doonayo inuu noqdo hoggaanka xisbiga WADDANI.
Waxa kale oo xafladaas hadal ka jeediyey Xoghayaha Difaaca ee xisbiga WADDANI Mr. Khadar Cismaan Cilmi oo soo dhaweeyey murrashaxnimada Md. Ibraahin Daahir Dubad, waxaannu yidhi; “Annaga oo ka duulayna wada-tashiga iyo wax wada qabsiga, qaybaha kale ee bulshadana la tashi badan la samaynay, waxaannu aad u soo dhawaynaynaa murrashaxnimada Ibraahin Daahir Dubad oo loo arko nin maanta wax weyn ku soo kordhin kara xisbiga WADDANI, xisbiguna waa dimuqraadi oo dhexdiisa waa laga tartamayaa, waxaanan rajaynaynaa inay iska soo dhammaan doonto ololaha loogu jiro kuraasta qaarkood, waxaynu iftiiminaynaa sida aynu diyaarka ugu nahay taageerada aynu la garab istaagayno Ibraahin Daahir Dubad oo aynu ku han weynahay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga WADDANI.”

Waxa kale oo xafladda lagu qabtay Hargeysa hadalo ka jeediyey Ku-xigeenka Xoghayaha Hanti-dhawrka Xisbiga WADDANI Mr. Maxamed Cabdillaahi Jaamac, Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali Curri), Aqoonyahan Mubaarig Muuse, Caaqil Khadar Ismaaciil Bacood, haween iyo marti-sharaf kale, kuwaasoo dhammaantood caddeeyey inay soo dhawaynayaan in Ibraahim Daahir Dubad loo doorto Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxayna ku tilmaameen inuu yahay masuul aqoonyahan ah oo taageero iyo cudud ballaadhan ku kordhin kara WADDANI.