Araweelo News Network

midig Xasan Guure Jaamac iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin

midig Xasan Guure Jaamac iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa(ANN)Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa dhaliilo u jeediyey saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inay isku mowqif ka yihiin waxyaabaha lagu wiiqayo qarannimada dalka.
Xubnaha Madasha Wada-tashiga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kaloo ay naqdiyeen wadahadalka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo wada-xaajoodkaas ku tilmaamay mid waxyeello ku ah madaxbannaanida Somaliland.
“Xisbiyada jira mid aannu hunguraynayno in aannu ku biirno ma jiro, waxayna ku xidhan tahay mawqifyada ay ka qaataan arrimahan maanta taagan. Saddexda xisbi saddexdooda guddoomiye way ka qaybgaleen badankooda shirarka (wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya). Haddii ay dawladda la qabaan arrintan waxay ila tahay wax ay ummadda u soo wadaan ma jiro, mana muuqdo xisbi aannu ku biirno, ismanaannu weydiin in aannu xisbi ku biirno iyo in aanan ku biirin.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mr. Xasan Guure Jaamac.
Waxa kale oo uu sheegay in aanay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi midna ka filayn inay ku kacaan waxyaabo liddi ku ah qarannimada Somaliland, balse ay waqtigan ayaan-darro u arkaan inay oggolaadaan wadahadalka lagula jiro Soomaaliya oo ay xuseen inuu yahay mid lagu wiiqayo madaxbannaanida dalka.
“Muuse Biixi waa ninka keli ah ee raggii jabhadda ahaa ee dagaalka soo galay oo ku jira wadahadalkaas, Muuse Biixi-na isaga xil gaar ah ayaa saaran oo su’aal gaar ah ayaan weydiinayaa. Waxa uu u soo joogay inta nin ee dagaal ku dhintay iyo sidii dalku u burburay ayuu goob-joog u ahaa, markaa maanta inuu ku taageero ragga u soo shaqo tegay isaga iyo Siilaanyo midna kamaannu filayn, waxayna ka baxayaan axdigii haddii ay taas galaan.
Waxaannu leenahay mujaahid, haddii ay wax kugu baxsadaan ka soo noqo oo soo tuf, welina toobaddu way furan tahay Muusoow.
Muuse Biixi wuxuu ahaa nin mujaahid ah in aannu ka dambaynona waa mid daw ah, laakiin haddii uu ka soo noqon waayo ciqaab ka xun ayaa isaga u taal if iyo aakhiraba, wuxuuna ka baxay axdigii mujaahidnimada iyo raggii dhintay ee uu dagaal gelinayey, ballankaas uu qaaday ayuuna ka baxayaa, sababtoo ah Muuse Biixi wuxuu goob-joog u ahaa wax alla wixii dalka ka dhacay oo dhan, halgankii dalkana hormuud ayuu ka ahaa, waana nasiib-darro inuu maanta hormuud ka noqdo iibkeeda (qaddiyadda Somaliland oo laga noqdo)… Haddii aynu sharci-darro isku maamulno cidhibteedu waa halis,” ayuu yidhi Muj. Guure.
Siyaasiga Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah xubnaha Madasha Wada-tashiga, ayaa isaguna ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay halis gelinayso qarannimada madaxbannaanida Somaliland.
“Somaliland waa qaran madaxbannaan, lagana yeeli maayo inay dhaawac u gaystaan qaranka, waxaanna muhiim ah in xisbiyada mucaaridka ah, murrashaxiintooda iyo dadweynahaba aynu aad u dabagalno arrintan oo ka soo horjeedsano, isla markaana diidno in dalkeenna mar dambe dib ugu noqono meel aan waxba ooyin iyo dal inna sheeganaya (Soomaaliya), iyadoo Somaliland ay madaxbannaani haystay muddo 25 sanno ah, adduunkana ka yeeli mayno cid kalena ka yeeli mayno in Soomaaliweyn la ina daba wado oo la innagu celiyo, haddii aannu nahay reer Somaliland-na halkaas ayaannu taagnaynaynaa,” ayuu yidhi Prof. Yaasiin.