Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)- Madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo maalimihii u danbeeyay shirar uga socdeen Magaalada Muqdisho, iyadoo ay kulankaa ka qaybgaleen Madaxda Maamul goboleedya Soomaaliya.

Waxaana shirkaa oo soo dhamamaday maanta laga soo saaray go’aan lagu shaxeeyay doorashada Soomaaliya ee muranku ka taagnaa.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah ku simaha ra’iisal wasaaraha Mahdi  Maxamed Guuleed (Khadar) iyo madaxda Maamul goboleedyda, ayaa  kulankaa kaddib soo saaray go’aan ku waajahan doorashada Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin.

 

Bayaanka kasoo baxay shirka ee arrimaha doorashada Soomaaliya oo laysla qaatay qaabka ay u dhacay, ayaa qorshaha lagu soo daray xubnaha Baarlamaanka u metelaya Somaliland iyo sida loo dooranayo.

Sidoo kale waxa bayaanka lagu sharaxay qaabka loo maamulayo hawsha doorashooyinka Soomaaliya.

Halkan Ka daawo warkaa oo dhamaystiran.