Xasan Sheekh & Madaxweyne Cirro Oo Isku Jawaabay
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!“Djabuuti & Soomaaliya, waxaan u sheegayaa….” Madaxweyne Cirro
Araweelo News Network Associated Online Agencies:
Akhri 4- Daqiiqo
Hargeysa (ANN) – Madaxweynayaasha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si gaar gaar ah fagaare iskaga weerarray.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada dagaalka dhanka Afka iyo diblumaasiyadda ah ee uu kaga soo horjeedo aqoonsiga Dawladda Israel siisay Somaliland, ayaa Arbacada Maanta ah si gaar ah uga hadlay qorshaha Somaliland safaaraddeeda Israel kaga furayso Magaalada barakaysan ee Quddus.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay Masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho oo uu dadweynaha kula tukaday Salaaddii Ciidal Adxaa, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ayna aqbali doonin wax uu ku tilmaamay “mashruuc lagu doonayo in Israa’iil lagu keeno Somaliland oo uu aaminsan yahay inay ka mid tahay dhulka uu xukumo ee Soomaaliya “Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaan samafal? Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaan in ay umado barwaaqayso? Qarniga 21-aad wax qarsoon ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu intaa ku daray inay tahay arrin laga xumaado in Somaliland ay Israa’iil ku marti-qaaddo dhulkeeda, isagoo ku hanjabay in aanay hirgeli doonin.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka Somaliland ku nool lagu yaqaano inay yihiin “Ehelu Qur’aan” isla-markaana calankooda ay ku xardhan tahay kalmadda Tawxiidku, iyadoo sidaasna ahna ay wax laga xumaado tahay In calankii Tawxiidku ku qornaa lagu soo dhaweeyo Israel oo uu ku eedeeyay inay dhul Muslimiin leeyihiin xoog ku haystaan, imikana doonayaan inay dad kale oo Muslimiin ah dhibaateeyaan oo ay barakiciyaan si Quddus loogu xalaaleeyo Israel “Dadka Soomaalida ah adduunka waxa looga yaqaan dadkii Qur’aanka. Waxa aad looga xumaado ah in calankii shahaadadu ku qornayd Maanta lagu beddelo taageero loo muujinayo Israa’iil,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna Maanta hadal u jeediyey dadweynaha Caasimadda Hargeysa oo uu Salaaddii Ciidda la tukaday, ayaa Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay inay ka mid yihiin dawladaha cadaawadda u muujiyey Somaliland, ka dib markii Israel aqoonsiga siisay Somaliland.
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay “Waxaad ka warqabtaan in Maanta dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, gaar ahaan dalalka aynu jaarka nahay, Jabuuti iyo Soomaaliya waxba umaanu geysan, waxaan’se u sheegayaa inay dhowraan deris-wanaagga, nabadgalyada iyo ixtiraamka dawladaha jaarka..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Faro-gelin badan baa ku socota dalka Somaliland, laakiin Somaliland waayo-aragnimo badan bay u leedahay inay dhibkaa iska difaacdo, taasi oo ay xaq u leedahay..”
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo si toos ah ula hadlayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yidhi “Xasanoow tani way ku dhaaftay, calanka tawxiidka lihina waakii aanu kula beryaynay inaad aqoonsato..”
Madaxweyne Cirro, wuxuu dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalkooda iyo ilaalinta nabadgalyadiisa.
Hadallada ay Warbaahinta isku mariyeen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa imanaya xilli Somaliland dhawaan sheegtay inay safaaraddeeda Israel ka furayso Magaalada Quddus ee Israel xoogga ku haysato.
Quddus ayaa waxa ku yaalla Masjidul Al-aqsa oo ah Masaajidka saddexaad ee ugu . barakada badan dunida Muslimka., waana xuddunta muranka taagan. Marka laga yimaaddo khilaafka Bariga dhexe ee Israeel iyo Falastiin.
Waxa Diyaariyay A. A. Arab.


