Awaamiir Car iyo Wir Ah Oo Farmaajo Iyo Rooble Is Dhaafsadeen

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku jira dagaal uu ku doonayo inuu kusoo fuulo mar kale kursiga, kaddib markii mudda xileedkiisu dhammaaday, ayaa ganafka ku dhuftay go’aan kasoo baxay ra’iisla wasaare Rooble oo ah maamulaha doorashada Soomaaliya ee xiisadduhu hadheeyeen xilligana meel xaasasi maray.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

 Madaxweyne Farmaajo, ayaa si weyn uga cadhodoay qoraal uu Salaasadii soo saaray Rooble oo ku sheegay qaabka loo suagyo maniga doorashada, kaddib markii uu shirqool ka badbaaday saacadihii lasoo dhaafay Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Gollaha shacabka ee la doortay, kuwaas oo doorashooda kuraasta qaar khilaaf iyo murran weyn ka taagan yahay weli.

Laxidhiidha: Somalia: Doorashada Cabdi Xaashi Falcelinta Farmaajo Iyo Bud-dhiga Loollanka Siyaasada

 ”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladaynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.” Ayuu ku yidhi, qoraalka ra’iisal wasaare Rooble.


Sidoo  kale, wuxuu ka dalabaday Hoggaanka ATMIS in ay si dhow ula shaqeeyaan xafiiskiisa iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka. Sidaas awgeed liiska xildhibaannada gelaya Teendhada Afisiyoone wuxuu sheegay in ay usoo gudbinayaan guddoomiyaha KMG ah, iyadoo markaa kaddib loo gudbinayo xafiiskiisa, marka ay hubiyaan.

 Kooxda ATMIS.

Rooble, ayaa qoraalka dalabkiisa ku socod siiyay kooxda hawgalka Midawga Afrika, laakiin Madaxweyne Faramajo oo durbadiiba ka bixiyay jawaab kulul oo qqoraal ah, ayaa sheegay in howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, annay u hoggaansamin amar kasoo baxay hal xafiis, kaas oo uu sheegay in aannu awood u laheyn inuu farageliyo howlaha gollaha shacabka.

”markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu ku adkaynayaa qodobbadan;

Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddida Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqaynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Gollaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hawlgalka ATMIS, wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqayn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

Hawlgalka ATMIS, wuxuu ku shaqaynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Gollaha Shacabka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii April 2022, ka oo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaadheen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama aannu Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay hore u wada ansixiyeen” ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxweyne Farmaajo;

Dhinaca kale, mucaaradka ayaa soo dhoweeyay amarka ra’iisal wasaare Rooble, iyagoo ka digay in Ciidmada Boolisku ku milmaan siyaasada oo ay dhinac raacaan, taas oo ay sheegeen in ay tahay mid xilligan si cad u muuqata, sidaa awgeed waxay ra’iisal wasaare usoo jeediyeen inuu arrintaa wax ka qabto, iyadoo ay xaaladdu marayso meel xaasasi ah, isla markaana laga cabsiqabo in ay hadheeyaan doorashada Madaxweynaha shirqoolo siyaasadeed oo dhiig ku daato.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com