abuu cabdala

 
Tiyeegloow(ANN)Koox haween ah oo tiradooda lagu sheegay todoba, ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Tiyeegloow oo ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia, sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Tiyaagloow oo sheegay in Haweenkaa qaarkood ay ka mid ahaayeen Booliska, isla markaana ay dileen Kooxda Al-shabaab, halka kuwa kalena ay ku dhinteen gacanta Nin ka mid ah kuwa Xaasaskooda ay qafaasheen Al-shabaab.
Kooxo hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa weerar ku qaaday Deegaanka Tiyeegloow oo ka mid ah deegaamada maamulka Dawlada Somalia la wareegay, waxayna kaxaysteen Laba Haween ah oo ay sheegeen inay la shaqaynayeen Ciidamada Dawlada oo ay ahaayeen Basaasiin. Sidaa awgeed ay dileen, balse ka hor intii aanay soo bixin inay dileen Al-shabaab labada Haweenka ah, waxa lasoo Ururiyay shan Haween ah oo Raggii qabay labada haween ah iyo qoysaskoodu doonayeen inay kusoo furtaan Haweenka Labada ah ee Al-shabaab kaxaysatay.
Sarkaalka Maamulka Toyeegloow, wuxuu warbaahinta u sheegay in shanta haweenka ah ee lagasoo qabtay guryohooda ay ahaayeen Haween ay qabaan Al-shabaab, sidaa awgeed la doonayay in lagu soo furto labadaa Haweenka ah, balse nasiibdaro mid ka mid ah Raggii qabay Labada haweenka ah ee Al-shaabab kaxaystay uu rasaas mariyay shanta Haweenka ah markii la oggaaday in Al-shabaab khaarajisay Labada Haweenka ah oo mid ka mid ah ay ahayd xaaskiisa.
Guddoomiyaha Tiyoogloow, wuxuu sheegay Ninka Haweenka shanta ah dilay uu ahaa Askari xaaskiisa ay kaxaysteen Al-shabaab, balse aan laysku ogayn in laayo Haweenkaa ee ay ku gor-gortamaan, sidaa awgeed ay ka xun yihiin falkaa oo ay baadhayaan sababta uu u dhacay.
Dilalka kala duwan ee haweenkaa, ayaa lagu soo beegay 10 December oo ah maalinta dunida laga xuso xuquuqda Aadamaha, iyadoo Somalia lagu tiriyo wadamada aduunka tacadiyada iyo gaboodfalada ugu xun ee ka dhanka ah xuquuqda Aadamuhu ka dhacaan, maadaama aanay jirin sharci iyo kala danbayn oo ay Somalia noqotay meel dunida caan kaga noqotay fawdada iyo colaadaddaha daba dheeraaday oo sababay in ay dhacaan denbiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha iyo gabood-falo lagula kaco dadka maatada ah sida haweenka iyo caruurta.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com