Asmara(ANN)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay dalka Eritrea, iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Asmara oo saaka uu ka degey uu kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dalka Eritrea,  Isias Afewerki.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa safarkaa ku wehliya wasiirka Waxbarashadda ee Federaalka Cabdi Raxmaan Goodax Barre, mana jiro wax war ah oo xukuumadda Soomaaliya kasoo saartay ujeedada socdaalka Madaxweynaha, balse waxa lala xidhiidhiyay kulamo hore u dhexmaray Madaxweynayaasha dalalka Eritrea, Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, kuwaas oo heshiisyo aanay weli waxba ka fulin wada galay xilligaa.

Kulamada hore u dhexmaray Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia, waxa Madaxweyne Farmaajo ugu saxeexay dowladda Ethiopia Afar dekadood oo ku yaal Soomaaliya. Sidoo kale waxa heshiisyada xilligaa soo baxday in Farmaajo oggolaaday in Soomaaliya lagu daro Ethiopia, balse arrimahaa ayaan xilligaa si cad loo qeexin.