Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaawaajahday jiha wareer siyaasad, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanku soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa,kuwaas oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay mooshin xil ka xayuubin ah.

Mudanayaasha gudbiyay Mooshinka, ayaa ku doodaya in Madaxweyne Farmaajo sameeyay khiyaamo qaran, isla markaana uu galay heshiisyo aan dan u ahayn Soomaaliya, waxayna si gaar ah usoo qaateen heshiisyadii uu dhowaan la galay dawladda Ethiopia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Maxamed Mursal, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu qabtay mooshin ka dhan ah Hoggaanka Villa Somalia kadib khilaaf muddo soo jiitamayay, wuxuuna kulan albaabada loo xidhay oo ka dhacay Villa Hargeysa, ka sheegay in mooshinka lasoo gudbiyay buuxiyay shuruudihii laga doonayay, isla markaana uu waajibinayo in xilka looga qaado Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar kale ayaa sheegaya in mooshinka ay ku saxeexeen 92, ildhibaan, kuwaas oo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ku eedeeyay khiyaano qaran iyo in uu heshiis mugdi gelinaya madax banaanida dalka uu la saxeexday dowladaha Ethiopia iyo Eretria.

Sawirro lagasoo qaaday goobta kulanka ayaa muujinayay guddoomiyaha baarlamaanka oo lafadhiyo xildhibaannada mooshinka waday iyo warqaddii mooshinka lagu aqbalay oo shabadeysan.

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ayaa waxa hadheeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada, balse waxa jira qaar ka mid ah xildhibaanada oo kasoo horjeeda mooshinka, waxaana Villa Somalia saaka loo diiday inay galaan xubno xildhibaano ah oo ka mid ah kuwii gudbiyay Mooshinka, kuwaas oo ciidanka ilaaliya dhismahaa u dideen inay gudaha u galaan.

Xaalada amaanka oo liidatay, ayaa khilaafka siyaasadeed fursad siiyay, waxaana waddooyinka magaalada Muqdisho ee u dhow xarumaha dowladda maanta lagu arkayay dad mudaharaadaya, kuwaas oo qaarkood taageereen mooshinka ka dhanka ah xukuumadda, halka kuwo kalena kasoo horjeedaan.

Khilaafka u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Baarlamaanka, ayaa soo jiitamayay muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo horre isu seegeen Maamul goboleedyada, kuwaas oo ay isku hayaan doorka awoodda xukuumadda iyo doorkooda maamul goboleed ee siyaadada dalka, balse waxa khilaafka xiligan ee sababay mooshinka lala xidhiidhiyay heshiisyada Madaxweyne Farmaajo la galay dawladdaha Ethiopia iyo Eretria, balse waxa la rumaysan yahay in aanay ka madhayn faragelin siyaasadeed oo dibadeed, waxaana faragelinta dalalka shisheeye ee Soomaaliya horre u galaafteen Guddoomiyihii Baarlamaanka Maxamed Jawaari, kaas oo uu galaaftay loolanka dalalka Khaliijka iyo Turkiga.