Xasan Sheekh iyo Uhuro KenyattaMuqdisho(ANN)Xukuumadda Somalia, ayaa canbaarayn kulul u jeedisay Dawlada Kenya, iyadoo uga digtay in aanay sii wadin qorshaha ay ku doonay Kenya inay gidaar mariso xadka u dhexeeya ee ay la wadaagto Somalia.

Wasiirka Amniga Somalia Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa ku dhaleeceeyay qorshaha Dawlada Kenya ku doonayso inay Gidaar weyn ka dhisto xadka u dhexeeya Somalia, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid khaldan oo aan waxba ka tarayn xaalada amaanka Kenya, isla markaana xumaynay xidhiidhka labada Dal ee Kenya iyo Somalia.

“Qorshaha Kenya ku doonayso in Xadka ay ka sameeyaan Gidaar, waa tallaabo khaldan oo aan waxba ka tarayn amaanka Kenya, waana mid xumaynay xidhiidhka labada dal oo horseeday dhibaato aan loo baahnayn, mana aqblayno” ayuu yidhi Wasiirka Amniga Somalia Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay in Dowlada Kenya ay Gidaar ka dhisato Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa wuxuu sheegay in Dowlada Kenya ka shaqeyneyso inay sii kala fogeyso shacabka Soomaaliyeed iyo shacabkeeda, isla markaana abuurto colaad hor leh oo u dhaxeysa labada Dowladood ee Deriska ah.

Waxa u tilmaamay in qori iyo Ciidan meel la keeno aanay ahayn Xuduud ama sugid amni, balse Kenya ay dooneyso Arrimo kale oo iyada u gaar ah sida uu tilmaamay Xildhibaan Dalxa.

Qorshaha Kenya ku doonayso inay gidaar ku xidho xadka ay la wadaagto Somalia, waxay sabab uga dhigtay inuu ka dhashay xaalado dhinaca amaanka ah oo ay waajahday tan iyo markii Ciidamadda Kenya dagaaka la galeen Al-shabaab Oct, 2011, kadib markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Somalia kadib markii laba qof oo ajaanib ah Al-shabaab kasoo afduubtay gudaha Kenya xiligaa, kuwaas oo ay dhinaca Somalia ula soo gudbeen, balse wixii mudadaa ka danbeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya waxa dhexmaray dagaalo ka fool-ka fool ah iyo weeraro gaadmo ah.
Al-shabaab, ayaa qaraxyo iyo weeraro ka fulinaysay gudaha dalka Kenya xiliyo kala duwan, waxayna weeraradu noqdeen kuwo xaalada amaanka dalka Kenya wax weyn ka bedelay, kuwaas Al-shabaab sheegtay inay jawaab u yihiin duulaanka ciidanka kenya ee gudaha Somalia.

Kenya, waxay sanadkii hore dalkeeda ka mamnuucday in ka baddan 680 Hay’addo caalami ah iyo NGO, kuwaas oo ay la xidhiidhiyey inay qayb ka noqdeen hawlaha ay hayaan kuwo khatar ku ah amaankooda, waxay horaantii sanadkan joojisay xawaalado ka furnaa dalkeeda iyo xisaabaaad ay leeyihiin shaqsiyaad, balse tallaabooyinka ugu danbeeyay ee ay qaaday Kenya wixii ka danbeeyay weerarkii Gaarisa University College, waxay ahaayeen kuwo ay kala kulantay canbaarayn caalami ah, iyagoo u muuqday kuwo baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah oo dhaqaalaha dalka Kenya saamayn weyn ku yeelanaya, isla markaana sii xoojinaya amaanka guddaha ee sii xumaanaya, sidoo kelna saamayn ku yeelanayan kara xidhiidhka beesha caalamka iyo xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

April 3, 2015, weerarkii Garissa ee ka dhacay Woqooyi Bari Kenya, ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca guddaha Kenya, wuxuuna Kenya xusuusiyay weerarkii qaraxyada Safaarada Maraykanka ee Nairobi 1998, kaas oo 200 qof ku dhinteen.

Sep. 2013, waxa ka dhacay Kenya weerar sidan oo kale, kadib markii koox xarakada Al-shabaab ah ku qabsadeen dhimaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall, halkaas oo ay sadex maalmood ku haysteen dad u dhashay dalal shisheeye oo dublamaasiyiin ah iyo dad Kenayan ah, balse ugu danbayntii ay si nabadgelyo ah uga baxaeen kooxdii weerarka fulisay, waxaana ku dhintay weerarkaa 67 qof, iyadoo ay jireen weeraro kale oo ka dhacay Xeebta Mambasa iyo dhinaca gobolka NFD oo si weyn xaaladiisa amaanka ay saamayn ugu yeesheen weerarada Al-shabaab ka fuliso deegaankaa.

Kenya, ayaa ku dooday in haddii ay samayso qorshaha gidaarka lagu xidhiyo xadka ay la wadaagto Somalia inay yaraanayaan weerarada kaga imanaya kooxda Al-shabaab, balse ma muuqdaan xiligan in tallaabooyinka ay Kenya qaaday aanay ahayn kuwo wax ka bedelaya xaalada sii xumaanay ee dhaqaalaha iyo amaanka dalka, isla markaana waxay go’aamada dawlada kenya noqon karaan kuwo go’doon siyaasadeed geliya Madaxweyne Uhuru iyo xukuumaddiisa oo abuura cadaawad siyaasadeed oo dhexmarta xukuumadda maqaar-saarka ah ee Somalia iyo sidoo kale shacbiga Soomaalida oo aan marnaba aqbalayn qorshaha Kenya, kaas oo Kenya ku doonayso inay ku boobto dhulka Soomaalida oo ku darsato dhul aanay lahayn, waxayna u muuqataa arrintan mid fursad iyo taageero siinay Al-shabaab, balse aan waxba ka tarayn amaanka Kenya, iyadoo Al-shabaab hore u sheegtay in gidaar lagu xidho Kenya aanu waxba ka beddelayn qorshayaasha weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya oo ay wadayaan weerarada ay ka fuliyaan guddaha Kenya ilaa inta ay ciidamadooda kala baxayaan Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.