Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxuu Ra’iisal Wasaare Khayre ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee lagaga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda xukuumaddiisu gaadhay, waxyaaba ka hadhan iyo barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka midha dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.

Qoraal saxaafeedka, ayaa lagu xusay in Mr. Khayre halkaa ka qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xidhnaa qorshaha deyn cafinta, waxaana la bogaadiyay ka go’naanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana ballan kooxda uu la kulamy balanqaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta lagag saamaxayo.

Ra’iisul Wasaare Kahyre, sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka, agaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka. sida lagu sheegay qoraalka.

Geba-gebadii, waxa lagu xuay in ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka uu muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deynta laga saamaxayay ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, taas oo meel gebabeba ah marinaysa SMP4.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya