Jowhar, (ANN)-Xukuumadda Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee Maamul goboleedka Hir-shabeele, halkaas oo uu ku dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle iyo dhismayaal kale.

 

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, wuxuuna u qornaa sidan:-

“Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyadda Hir-shabeelle, xarunta Baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisal wasaaruhu dhagax-dhigay, isaga oo sheegay in fulinta mashaariicda ay wax baddan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’addaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Muqdisho, Soomaaliya