Araweelo  News  Network

 

Muqdisho(ANNN)-Ra’iisal wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho ayaa u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, wuxuu Ra’iisal  wasaaruhu kormeerkiisa ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda,  maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda oo sida lagu sheegay qoraalka uu ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, Isla markaana qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaadhan, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baadhayo  shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha, waxaana dhawaan la xidhay  10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka