Paris(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb gelayay shir sannadeedka madasha nabadda Paris, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, waxa kulanka oo qayb ka ahaa shir doceedyada uu Ra’iisal Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha nabadda Paris, lagaga hadlay amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xoojinta cilaaqaadka labada dowladood, isagoo Ra’iisal Wasaare sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo oo uu rajeynayo in dowladda Filand ay si buuxda Soomaaliya uga taageerto sidii looga saamixi lahaa Soomaaliya deynta.
—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya