Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)—Ra’iisal wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“ Ra’iisal Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay”, ayay tidhi Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisal wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

–DHAMMAAD—-