Araweelo News Network.

 

Baydhabo(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogay maamul goboleedka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay  magaalada Baydhabo, ayaa kulan kula yeeshay taliyayaasha iyo saraakiisha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyayaasha Ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan gobolkaa.

Kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, waxa markii uu soo dhammaaday qoraal saxaafeed kasoo baxay xafiiskla ra’iisal wasaaraha ee Villa Somalia lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble kulankaa uu ku wehliyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa taliyayaasha kala hadlay guud ahaan sidii loo sugi lahaa amniga gobolka Koofur Galbeed iyo ilaalinta doorashooyinka la filayo dhowaan.

Sidoo kale, Mr. Rooble ayaa saraakiisha uu kulanka la yeeshay kala hadlay dardar galinta, wuxuu ugu yeedhay dagaalka iyo howlgallada ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad xil weyn iska saartaan sugidda amniga guud ahaan, gaar ahaan xilligan ay doorashooyinku socdaan. Waxaa laydinka doonayaa in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Al-shabaab ee bulshadeenna dhibaatada ku haya oo naftooda iyo hantidoodaba burburinaya dar-dar gelisaan” ayuu ku yidhi, Rooble Saraakiisha Ciidanka Xooogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee uu la kulmay.

Alt, Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Federaalka ah iyo kuwa AMISOM Baydhabo, 25 November 2020. Image Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay safar muddo saddex maalmood  qaatay oo isaga iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska, isagoo warbixino ka dhegeystay saraakiisha maamula qaybtaa, isla markaana booqday askarta ku dhaawacmay dagaalka Al-shabaab ee lagu daweeyo halkaa..

Alt, Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqday qaybta Lixdanaad ee Ciidanka Federaalka Baydhabo, 25 November 2020. Image Araweelo News Network.

Mudadii uu ra’iisal wasaare ku sugnaa halkaa, wuxuu xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay maalgelisay dawladda Qadar, iyadoo safiirka Dawladda Qadar ku weheliyay ra’iisal wasaaraha iyo wefdigiisa safarkaa.

Sidoo kale Ra’iisal Rooble oo muddo kooban haya xilka,  ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismayaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo sida uu sheegay ay Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso maamul goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.