Araweelo News Network

alpha group1Mogadishu(ANN)Hay’adda sirdoonka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigeen dad isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin ku lug lahaa faafinta mad’habta shiicada oo laga waday Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore ayay ciidanka ammaanku ku weerareen Hotel ay ka dhacaysay xaflad la sheegay in lagu xusayay dhalashada Nabigeena NNKH oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Al-imaam Al-khumeyni ee dalka Iiraan, sidoo kale waxa xafladdaasi guur wadareed loogu samaynayay dhalinayro Soomaaliyeed oo aan la shaacin tiradooda.

War qoraala oo ka soo baxay xafiiska taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir Cabdixakiim Axmed Farey, ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay in muddo ahba ku raad joogeen barnaamijka lagu fidinayo mad’habta shiicada, isla markaana ay jiraan dad Soomaaliyeed oo mad’habtaasi qaatay taasoo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaashaha amniga.

Sidoo kale waxa ay hay’adda sirdoonku sheegtay in ay jiraan dhalinyaro iyo hay’addo loo qaado dalka Iiraan, kuwaas oo sida qoraalka lagu sheegay lagu soo shubo fikirka shiicada si ay dalka uga faafiyaan.

Warka ka soo baxay NISA waxa kale oo lagu sheegay in ay jiraan dad masuuliyiina oo ka tirsan dawladda oo xidhiidh la leh Barnaamijyadaasi, iyagoo dhanka kale ka hadlay kulamo arrintaasi ku saabsan oo sida ay sheegeen safiirka Iiraan uu ku qabtay xaafado ka tirsan Muqdisho, balse may xusin Xaafadahaa kuwa ay yihiin.

Hawlgalkaasi dadkii lagu qabtay waxa kamid ahaa labo nin oo u dhashay dalka Iiraan oo ay ku tilmaameen ciidamada ammaanku inay ku lug lahaayeen fidinta mad’habta shiicada ee lagu fidinayay Somalia.
sarkalka la xidhay ee u dhashay Iran, ayaa u shaqaynayay hay’adda al khomeini ee ka hawlgasha Muqdisho.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380