Araweelo News Network.

“Qorshaha Waxa Fuliyana Kooxda AS” NISA

Muqdisho(ANN)-Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo NISA, ayaa ka digtay shirqool lagu khaarinayo Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

Shirqoolka ay ka digtay NISA, waxay sheegtay in ay maleegayaan koox ay usoo gaabisay magacooda AS, kuwaas oo ay ku tilmaantay in yihiin maafiyo.

Sidoo kale, waxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, shaacisay in hawlgalkaa shirqoolka ah uu fulinayo qof ay magaciisa ku sheegtay Maxmed Maahir oo sida ay xustay ka tisran kooxda AS.

Qoraal koobban oo ay soo dhigtay saacadihii lasoo dhaafay NISA bogga rasmiga ah ee ay ku leedahay Twitter , kaas oo ah barteeda khaaska ah (Official Twitter account of National Intelligence & Security Agency (NISA) of Somalia.), waxay ka digtay shirqoolkaa, iyadoo qoraalka koobban lagu xusay in warbixinta xogtaa ay siisay madaxda qaranka.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka oo ku qoran luqada Af-soomaaliga.

“ Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kasta oo ku lug leh.” Ayay raacisay qoraalka NISA, balse ma sheegin kooxda AS, halka ay ka jirto iyo sidoo kale macluumaad dheeri ah oo ku saabsan magaca shaqsiga ay sheegeen inuu fulinayo hawlgalkaa.

Sidoo kale, ma sheegin dadka ay sheegeen in ay ku raad joogaan iyo shaqsiga ay magcaabneen sababta ay u shaaciyeen, iyagoo sida ay ku dooddayaan ku haya dabagal oo aannay ganactooda ku jirin.

Arrinta ay shaacisay NISA, ayaa kusoo beegantay, iyadoo doorashada Soomaaliya ay meel xaasaasi ah marayso, isla markaana ay jiraan saluug laga muuinayo natiijada xildhibaano kusoo baxa kuraasta soo xulusta oo qaar baddan murran iyo mad-madaw hadheeyay, lammana ogga in arrintan ay qayb ka tahay arrimaha doorashada, balse waxa jira su’aalo iyo dareen ku xeeran digniinta xilligan ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com