“waa inay magcaabaan Somaliland wasiirka Soomaaliya u qaabilsan” Maareeye Xayir.
Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay, wararka maalmihii u danbeeyay warbaahinta Somaliland iyo Soomaaliya qaadaa dhigaysay ee sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.


Wararka sheegaya imaatinka Farmaajo ee Hargeysa, ayaa abuuray doodo si adag loogu diidanyahay oo ka imanayay mucaaradka iyo Bulshadda, balse aanay xukuumadda Somaliland ka hadlin, walaw guddoomiyaha Guurtida Somaliland shalay kusoo qaaday golaha, isagoo sheegay in Madaxweyne Biixi diiday, laakiin dabada laga riixayo arrintaa.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Maanta ka hadlay arrintaa, ayaa sheegay in aannu wax war ah kahayn Safarka la sheegay in Farmaajo uu tegayo Hargeysa, sidaa awgeed aannu arrintaas ka hadli karin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu tilmaamay in shacabka iyo Madaxda Somaliland looga baahan yahay inay iska daayaan buuqa badan ayna la yimaadan siyaasaad wanaagsan.

“Waxaan jecelahay inaan halkan uga soo jeediyo shacbiga yo Madaxda Somaliland oo aan kasoo jeedo oo wannaagooda jeclahay, waxaan leeyahay, Buuqa iska daaya, oo la yimaada siyaasad iyo talo aad kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ka socda geeska Afrika iyo Aduunka, oo haddii aad ka hadhaan mar danbe aydaan helayn meel aad kala qabsataan aydaan helayn.” ayuu yidhi. Xayir Maareeye.


Wasiir Maareeye oo ka hadlaya arrinta hadal haynta Farmaajo ee Hargeysa, ayaa yidhi, “Maxay u diidayaan inuu Farmaajo Hargeysa tago, xataa sida ay sheegaan haday u aqoonsan yihiin Madaxweyne dal jaar la ah Somaliland, hawsoo dhoweeyeen sidii haddii uu maanta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle odhan lahaa waxaan imanayaa Somaliland, ama Madaxweyne Uhuro Kenyata, ama Ra’iisal wasaare Abiy, sidaa oo kale hawsoo dhoweeyeen, haddii ay u aqoonsan yihiin waxa maanta Madaxweyne Farmaajo Somaliland u yahayna sidaa hawsoo dhoweeyeen, ayaan kula talinayaa.” ayuu yidhi.


Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya wax baddan iskaga xidhan yihiin, isagoo Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu mudanyahay haddii Madaxweyne lagu soo dhowaynayo Somaliland inuu yahay kii ugu mudnaa, wuxuuna ku tilmaamay siyaasada Somaliland 28-kii sannadood ee ay jirtay Somaliland inay lahayd siyaasad keliya oo fadhiidh ah.


“Somaliland 28-sanandood, waxay lahayd hal siyaasad oo fadhiidh ah oo Marfeshyada lagaga taliyo oo Maskaxda iyo Madaxdu aannay talinayn ee Marfeshyada looga taliyo, wasiirada aannu meelahaa ku kulanaa waxay noo sheegaan inay arkayaan culayska, balse ay shacbiga ka baqayaan, shacabku adiga ayay kaa sugayaan hoggaaminta siyaasad iyo qorshayaal A. B, C , qofka laga sugayo inuu siyaasada rog-rogaa ee dadka mustaqbalkooda laga doonayo inaad ka taliso waa adiga, (Siyaasiga). maaha dadka Marfeshyada ee aad siyaasada uga baqay, shacabku kumay odhan weligayo halkan ayaanu ku jiraynaa, laakiin masuuliyadaada ayaad dayacaysaa.” ayuu yidhi. Maareeye Xayir.


Wuxuuna intaa ku daray in dhibaatada Shacbiga Somalland loo geystay oo uu la qabo, isla markaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo qiray, blase waxa uu sheegay in Shacbiga Somaliland dhibaatada loo geysatay xusuusan yihiin.


“Madaxda Somaliland, waa innay masuuliyadooda qaataan, halkan ayay yimaadaan iyagoo doonaya Baasabooro, Shahaadooyin, Fiisayaal iyo Liisamo ganacsi, waxa loo baahanyahay in dood la furo, waynu ogayn arrintii labada Profisor, Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar waxa borabagaandeeyay marfashyadaa, madaxdiina may odhan waxaynu joognaa xilligii la fekeri lahaa ee daaya. waa in lays weydiiyo 28-sannadood kadib Somaliland oo la furo dood, siyaasada aduunka iyo ta gobolkuba way is bedelay, Soomaaliya dawladeedu xoog ayay leedahay, waar qabyaalada iyo buuqa iyo is haysadka dhexdiina ah iska daaya oo dadka wax garadkiisa oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu horreeyo haysu yimaadaan, hays weydiiyeen sidii Soomaaliya oo maanta taladoodii taal ula macaamili lahaayeen, Madaxweynaha isma aragnee markaan wasiirada Somaliland meelahaa isku aragno, waxan idhaahdaa hadaydaan wax kale samaynayn Wasiirka Soomaaliya magcaaba oo xamar ha yimaado, ilayn aduunka dawladda waxa loo dhisaa qaab-dhismeedkooda mid waafaqsan dhibaatooyinka ku haysta, markaa waa inay magcaabaan Somaliland wasiirka Soomaaliya u qaabilsan oo madaxdayada Soomaaliya ee halkan xamar joogta wada hadal la geli kara oo dadka halkan wax uga baahan Fiisayaasha iyo Baasaboorada wax la qabta, siyaasada marfashka ee waxba maqlimayno, qaylada iyo dhinacna loo dhaqaaqi maayo cidna la hadlimayno hadda kadib ma shaynkarto.” ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Akhri: Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Xiisadda Siyaasadeed Ee Kasoo Baxday Qorshaha Ra’iisal Wasaraha Ethiopia Ku Doonayo Inuu Farmaajo Ku Keeno Hargeysa