Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaarihii dhowaan la eryay ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa loo diiday inuu safar ugu baxo dibadda, kaddib markii laga celiyay Garoonka Diyaarada Aadan Cade ee Muqdisho.

Sidaana, waxa warbaahinta u sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Wada-jir oo ka mid ah dhawr Urur oo ka jira halkaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in ciidamaddii dawalddii uu dhawrka sannadood ra’iisal wasaaraha ka ahaa Xasan Khayre ay ahaayeen kuwo loogu talo galay arrimo siyaasadeed in loo adeegsado,  islamarkaana dowladda federaalku kula dagaalanto cid kasta oo aan ku jirin xayndaabkooda, kuwaas oo sida uu sheegay Mr. Khayre ka celiyay madaarka.

“Waxaa la ii sheegay in Airport-ka laga celiyay Ra’iisal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo isbaari loo dhigtay. Ciidanka uu saddexda sannadood soo dhisayay ee uu ku faani jiray,  hadday Jid-gooyo u galeen ka waraama, sow maaha wuxuu isagu hore u sameeyay,” ayuu yidhi Cabdishakuur oo waraabhinta la hadlayay.

Wuxuuna ugu baaqay dowladda federaalka in ay fahmaan in ciidamadda loogu talo galay inay sharciga iyo dastuurka ilaaliyaan lagana dhexsaaro arrimaha siyaasada, isagoo sheegay in marka sidaa la sameeyo ay noqonay tallaabo wanaagsan oo dowladnimadda caawinaysa.

Dhinaca kale, dhawaaqa Cabdishakuur, ayaa kusoo beegmay markii maalin laddib ay soo baxeen warar sheegaya in ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xilka laga qaaday 25 July 2020, kaddib markii golaha shacabka ee Baarlamaanku kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddiisa, laga hor istaagay inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo u socday safar aan la ogayn halka uu ku jihaysanyahay oo dalka dibaddiisa ah,

Balse Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee Villa Somalia oo dabaalanaysa siyaasado is khilaafsan oo ka dhashay muranka doorashada iyo xaaladda amniga ee sii xumaanay, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin sabbata Mr. Khayre loogu diiday inuu dalka ka baxo xilligan.

AKHRI: Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya  Ee Xilka Laga Qaaday Khayre Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa