Goobta laga soo saaray agabkii ay siteen oo ay ka mid yihiin Saacaddo sida saacadda Citizen Watch 21 Jewels iyo agab kale

Hargeysa(ANN)-Xafiiska Kommishanka Baadhista iyo dabagalka Somaliland u qaabilsan Xasuuqii ay shacbigii gobolada Woqooyi oo hada ah Somaliland u geysteen taliskii Millateri ee Maxamed Siyaad Bare xilligii siddeetanaadkii, ayaa maanta soo bandhigay xabaal-wadareedyo cusub oo laga helay deegaanka Malka-durduro ee Koonfur galbeed magaalada Hargeysa.

Muuqaalka Maydadka oo la kafmay kaddibna gaadhi la saaray si dib loogu aasao  Kommishanka Baadhista Xasuuqa July 1988, oo 32 sannadood kaddib. 22 July 2020, Araweelo News Network.

Muuqaalka Maydadka oo la kafmay, Sarkaal ka mid ah Baadhista Xasuuqa, oo Miis ku muujinaya waxyaabaha ay siteen dadka la xasuuqay July 1988,  oo ay ka mid ahaayeen Shanlooyin, Galfeedho, Muraayaddo kuwa yar yar ee laysku arko, saacadda Citizen Watch 21 Jewels oo xilligaa ay dadkii ku noolaa magaalooyinka Somaliland aad u isticmaali jireen.oo aannay waxba iska bedelin welina u muuqatay saacad cusub. 32 sannadood kaddib. 22 July 2020, Araweelo News Network.

 

Saraakiisha Baadhista xasuuqa oo warbaahinta la hadlay, ayaa kusoo bandhigay xafiiskooda qalfoofka Lafaha 11 qof oo ay sheegeen in laga helay deegaankaa Malka-durduro, kaddib markii uu soo saaray roob ka da’ay halkaa, isla markaana ay Kooxda baadhista xasuuqu kasoo saareen halkaa qalfoofka dadkaa oo ku jiray xabaal-wadareed, iyadoo isla goobta laga soo saaray agabkii ay siteen oo ay ka mid yihiin Saacaddo sida saacadda Citizen Watch 21 Jewels oo xilligaa ay dadkii ku noolaa magaalooyinka Somaliland aad u isticmaali jireen.

 

Sidoo kale, saraakiisha Baadhista Xasuuqa, ayaa waxyaabaha kale ee qalfoofka Lafaha dadkaa ee la rumaysan yahay in ay siteen ay ka mid ahaayeen Shanlooyin, Galfeedho, Muraayado kuwa yar yare e laysku arko ah iyo maryohoodii oo goo’go’ay, balse saacadda Citizen, ayaan waxba iska bedelin oo weli u muuqatay saacad cusub, iyadoo 32 sannadood ku aasnayd xabaasha dadka lagu wada riday.

Miis ay saaran yihiin waxyaabaha ay siteen dadka la xasuuqay July 1988, oo ay ka mid ahaayeen Shanlooyin, Galfeedho, Muraayaddo kuwa yar yar ee laysku arko, saacadda Citizen Watch 21 Jewels oo xilligaa ay dadkii ku noolaa magaalooyinka Somaliland aad u isticmaali jireen.oo aannay waxba iska bedelin welina u muuqatay saacad cusub. 32 sannadood kaddib. 22 July 2020, Araweelo News Network.

Masuuliyiinta Komishanka xasuuqa ayaa sheegay in xabaal-wadareedka cusub ee ay heleen oo sidoo kale ay soo bandhigeen xadhko u muuqday in lagu xidh-xidhay markii la laynayay dadkaa oo u xidhan sida Marreegaha waxaraha, ama qoolka iyo Suumanka ay qaarkood xidhnaayeen oo goo’go’ay, Ciddiya-gurtii ay siteen iyo qashirka rasaasta oo isla goobta xabaal-wadareeda laga helay, iyadoo ay sheegeen in rasaastu tahay tii dadkaa lala dhacayay markii laysku xidh-xidhay ee goobta lagu laynayay, kaddibna halkaa lagu wada aasay.

 

“Qalfoofka xabaal-waradeeda laga helay waa 11 Qof lafahooda, waad aragtaan wixii ay siteen agabkoodii, xadhkihii lagu xidh-xidhay iyo rasaastii lala dhacay,  qalfoofka lafaha dadkan waxa aannu soo saaray oo helay bishan July, 2020, waxayna ku beegantahay xilligii uu xasuuqii ugu badnaa oo bilaabmay Jun 1988, ee ka dhacay magaalooyinka, Xasuuqa ugu badna, wuxuu ku beegnaa July 1988.” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid saraakiisha baadhista iyo dabagalka xasuuqa Somaliland.

READ: “The acts of genocide perpetrated by the Siyad Barre regime are memorialized in more than 200 mass graves” Somaliland President

Saraakiisha Komishanka Xasuuqa, ayaa Lafaha dadkaa oo lagu xidhay Kafan cad u qaaday shinaca Masalaha oo ah Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay sheegeen in ay tahay  goobta dib loogu aaso qalfoofka lafaha xabaal-wadareedyada laga helo  Hargeysa.

 

“ilaa 2012, waxa lagu aasay 119 qof,  xabaalahan oo loogu talagalay qalfoofka lafaha dadka la xasuuqay ee dib loo aasayo, kuwaas oo dhakhaatiir Caalami ah oo u dhashay dalka Faransiiska oo ku takhasusay baadhista Lafaha iyo xasuuqa ay xaqiijiyeen, kaddibna dib loo aasay oo la mariyay waajibkii diinta Islaamku ina faraysaya, ayuu yidhi.

READ: Somaliland: The Forgotten US-Sponsored ‘Holocaust’

Saraakiisha Kommishanka, ayaa sheegay in 11-ka qof ee xabaal-wadareedka laga helay, iyagoo isku xidh-xidhan ay ka mid ahaayeen Askartii Millateriga ee dawladdii xilligaa, iyagoo sheegay in sababta loo laayay ay ahayd oo keliya isirkooda, sidaa agweed, waxay sheegeen in xasuuqaa iyo kuwa kale oo ka dhacay gobolada iyo maaglooyinka kale ee Somaliland iyo kuwii xeebta jaziira aannay ahayn kuwo loo aannayo cid aan ahayn Saraakiishii ka tirsnaa Taliskii Millateriga iyo dawladdii la wada lahaa ee dalka ka talinaysay, waxaana u sheegaynaa kuwa ay arrintani gubto ee Tunka ku qaata  in aannay dadkan Kaneeco layn, waxay ahayd in laga xummaado oo laga murugoodo, waana ka tacsiyadaynayaa dadkii ay ka dhinteen iyo qarankaba, ayuu yidhi, Sarkaal ka mid ah Xubnaha Kommishanka Xasuuqa oo ka hadlayay dhacdadaa.