Hargeysa (ANN)- Allah haw naxariistee Afar Caruura oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingad ah oo ku yaala xaafadda October ee Degmada Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Sida ay sheegeen Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland oo warbixin kasoo saaray dhacdadan ayaa yidhi, “Abaaro 1:00  duhurnimo mardhawayd oo galabnimadii ah  soo gaadhay goobta ayaa yidhi, “Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii iyo guryo isku raran ahaa oo kale , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga.

Caruurta ayaa kala ahaa Saddex Wiil iyo Gabadh yar , oo dhamaantood ka yaraa da’ada 10 Jirka.

Guriga ayaa  ka koobnaa sida ay sheegeen mid Jiingad ah oo laba Qol iyo barande, sidaana uu markiiba dabku wada qabsaday. Aabaha Caruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay caruurta,waxaana Aabaha iyo Hooyada caruurta dhashay ka dhaxeeyay khilaaf, iyagoo iskula jiray Maxkamada.”  Dabka waxa keliya ee ka badbaaday Gabadh yar oo naaska jaqaysay oo guriga hooyadeed kala maqnayd. waxaana maydka la gaadhsiinayaa Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Aabihii falkan arxandarada ah geystay ayaa la Soo qabtay,isagoo baxsanaya waxaana hadda lagu hayaa laanta Dambibaadhista CID da.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland, ayaa lagu yidhi, bayaanka warbixinta ee Cidianka dabdamiska.

Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaan Alle uga baryaynayaa in baddel kheyr qaba siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.