Qaabkii Lixda Xubnood Loogu kala codeeyay iyo kulankii ka horeeyay

Hargeysa(ANN)-Xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland, ayaa saaka ansixiyay Lix xubnood oo ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, iyadoo xubintii laga sugayay xisbiga Mucaardka ee WADDANI, weli laantahay, kadib markii lagu celiyay xubin ay hore ugu soo xuleen komishanka ka hor intii aan la horgeyn gole weynaha Wakiiladda.

 Xoghaya Golaha, wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaale oo akhriyaya  taariikhda xubnaha iyo xirfadooda waaya-aragnimo, 12 Nov, 2019. Araweelo News Network.
Xoghaya Golaha, wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaale oo akhriyaya taariikhda xubnaha iyo xirfadooda waaya-aragnimo, 12 Nov, 2019. Araweelo News Network.


Ciidamada, amaanka ayaa si weyn u adkeeyay subaxnimadii hore ee saaka agagaarka iyo waddooyinka muhiimka ah ee ku xeeran dhismaha golaha, waxayna ka hor intii aan la gelin fadhiga Guddida arrimaha gudaha ee golahaa oo ay weheliyaan shirgudoonku kulan gaar ah oo albaabada loo xidhay la yeesheen Lixda xubnood ee loo soo gudbiyay golaha wakiiladda, kulankaas oo aan la ogayn waxyaabaha lagaga hadlay.

Saddex ka mid ah xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la horkeenay golaha wakiiladda 12 Nov, 2019. Araweelo News Network.
Saddex ka mid ah xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la horkeenay golaha wakiiladda 12 Nov, 2019. Araweelo News Network.


Mudanayaasha golaha, ayaa markaa kadib gudagalay fadhigooda, waxaana madasha kasoo xaadiray 64 xildhibaan, iyadoo fadhigaa uu guddoominayay Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ku wargeliyay mudanayaasha markii la hubiyay in xildhibaan walba cida uu doono u codeeyo oo uu xaq u leeyahay, balse aan loo baahnayn buuq iyo qaylo.


Xoghaya Golaha, wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaale, ayaa markaa kadib madasha xildhibaandu fadhiyeen ka akhirayay xubin walba taariikh nololeedkeeda, aqoonteeda iyo waaya-aragnimadeeda, waxaana xubin xubin loogu codeeyay Lixdaa xibnood, iyadoo Cabdrashiid Riyo- Raac, uu helay codadka 50, xidlhibaan, 13, xildhibaan ayaa diiday, halka xildhibaan keliya uu ka aamusay. Cabdiraxmaan Daahir Jaamac, waxa u codeeyey 55, xidlhibaan, 5 xildhibaan ayaa diiday, 4, xildhibaana way ka aamuseen, Mustafe Maxamed Daahir, waxa u codeeyay,58 xildhibaan, waxa diiday, 4 xildhiaban, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, Marwo Kaltuun Sh, Xasan Cabdi, waxa u codeeyay, 55 xildhibaan, waxaana diiday, 8 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan,


Sdoo kale, Cabdiraxmaan Maxamed ismaaciil (Cabdiraxmaan Dixood) oo hore usoo noqday Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa u codeeyay 58 xildhibaan, waxa ka aamusay hal xildhibaan, mana jirin cid diiday, halka Xasan yusuf Ducaale uu helay codadka 55, waxa diiday hal xidhibaan, waxaana ka aamusay siddeed xildhibaa, .iyadoo aanay gebi ahaanba intii lagu jiray codaynta aanu guddoomiyuhu codayn.


sidaana waxa aqlabiyad golaha wakiiladu ugu meel mariyeen ansixinta Lixdaa xubnood oo noqonaya xubnaha komishanka cusub, iyadoo muda-xileedka xubnihii hore ee komishanka doorashooyinka Somaliland xilligoodu dhammaaday.