Hargeysa (ANN)- Khilaafka maalmihii u danbeeyay ee Shirkadda Oomaar iyo wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa alloosay murran xooggan. kaddib markii Markab saliid u siday shirkaddaa uu khilaaf ka dhashay sababo la xidhiidha cashuurta badeecadda saaran markabka oo ku xidhan Dekedda Berbera.
Markabka ayaa labadii Todobaad ee u dambeeyay taagnaa Dekeda Berbera , isagoo sida shixnad saliidda qaydhiin oo mulkiyadiisa lahayd shirkada Oomaar oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn dalka.
Shirkadda iska leh shixnadda ayaan weli ka hadlin sababta khilaafka. laakiin qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka o ola hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka dalbatay cashuur aan sharci ahayn, taasoo shirkaddu ku tilmaantay cadaalad darro iyo carqalad lagu hayo maalgashiga dalka.
Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhankooda iska difaacay eeddaha la xidhiidha Xanibadaa Markabkan waxaanay masuuliyiinta wasaaraddu cadeeyeen in sababta uu u taagan yahay markabkani ay tahay bixinta cashuurta ku waajibtay oo kaliya, isla markaana aanay jirin sabab kale oo uu taagan yahay.
Arrinta Markabka ha lagu kala argti duwanaado, balse waxay ahayd mid todobaadkii u dambeeyey uu isa soo tarayay sawaxankeedu, iyadoo baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah lagu arkayay dad ka hadlaya iyo doodo iska soo horjeeda, kuwaas oo inta baddan si caadifad ah oo ay ka muuqatay xog-ogaal la’aan uga hadlayay.
Khilaafka Markabka iyo xaqiiqooyinka jira waxa si faah-faahsan u shaxay Garyaqaan Yuusuf Biixi oo ah sharciyaqaan aqoon u leh arrimaha Ganacsiga Iyo Maalgashiga, isla markaana hore u ahaa Guddoomiyaha Gudidda ka Garnaqa Dacwaddaha Cashuuraha ee Somaliland.
Garyaqaan Yuusuf waxa uu sawir ka bixiyay qaabka wasaaradda Maaliyadda Iyo Ganacsatada waawayni u macaamilaan oo uu ku tilmaamay mid ay ka muuqato Khiyaamooyin lagu lunsado Cashuuraha, isla markaana curyaaminay dhaqaallaha dalka iyo dakhliga dawladda, isagoo dhinaca kale tusaale ka bixiyay qorshayaasha ay ganacsatada waaweyn lasoo baxeen sannadihii u danbeeyay ay sababtay in dad baddan oo muwaadiniin ahi u awooddi waayeen in ay sii wadaan Ganacsiyo yaryar.
Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday Garyaqaan Yuusuf Biixi Xaashida Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka maalgashiga oo Madaxwaynuhu bishii Julay ee sanadkan uu wax-ka-beddel Iyo kaabis uu kaga dalbaday Golaha Wakiilada Somaliland ,Taasoo Garyaqaanku ku tilmaamay in ay Carqalad ku noqonayso Baaqii Madaxweynaha ee ahaaa Maalgashiga Shisheeyaha .
Garyaqan Yuusuf Biixi Iftiiminta Arintan muranka kadib waxa uu soo jeediyey talooyin iyo tilmaamo dhaxal gal ah oo uu xukuumadda ku baraarujinayo, wuxuuna arrimahaa ku sharaxay Waraysi uu siiyay Arabsiyonews.
Dhinaca kale, murfanka Ganacsatada iyo Xukuumadahii kala dambeeyey maaha mmarkii u horaysay waxaase jirtay in marar baddan sidan oo kale Dhacdo khilaaf ka dhasha Marakab badeecad sida, laakiin arrimahaasi waxay inta baddan noqdaan kuwo Ganacsatadu ugu awood sheegtaan Xukuumada Jirta maadaamo oo dhaqaallaha dalka ay gacanta ku hayaan oo aan lagu dabakhin shuruucda iyo xeerarka cashuurahha dhabta ah ee ku waajibay, iyadoo taas beddelkeeda laga qaado wax-xooggay fara guudkood ah.
Garyaqaan Yuusuf oo sharaxaya arrimahaa kaga boggo linkigan Riix


