Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay suurta gal tahay in ay jiri karto in tirada dadka qaba caabuqa Coronavirus oo xilligan ah 3 qof , kadib markii saddex ka mid ahaa Lix qof oo uu hayay xannuunku ay kasoo kabteen oo la fasaxay. sida uu sheegay todobbaadkan Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xergeeye .

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida ka hor-tagga caabuqa Covid-19 Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) , ayaa sheegay Inay tahay wax suurta gal ah in tirada dadka qaba caabuqa Coronavirus ee gudaha Somaliland ku sugan ay ka badan karaan dhawrka qof ee Wasaaradda Caafimaadka u diiwaangashan.


Mr. Saylici. wuxuu sidaa ka sheegay mar la weydiiyay in tirada ay ilaa hadda hayaan ee lixda qof dhaafi weyday ay ka badan karto haddii la sameeyo baadhitaan, wuxuuna sheegay in ay macquul tahay in tirada ay hayaan ay ka badato haddii la sameeyo baadhitaan.


Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda C aafimaadka Somaliland, Dr. Xegeeye, ayaa dhowaan sheegay inay kooxo hubinaya inuu xannuunku ku dhex jiro bulshada ay u direen lixda magaalo ee waaweyn, kuwaas oo sida uu sheegay natiijada kasoo baxda lagu go’aan qaadanayo.