Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddeeyey inay bilaabayaan tallaabooyin sare loogu qaadayo qiimaha shillinka Somaliland ee hoos-u-dhaca wayn uu u gaystay sarrif-bararka lacagta doollarku.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo warbaahinta kula hadlay xarunta Bangiga Dhexe , ayaa sheegay inay suuqa galiyaan lacag fara badan oo doollar ah oo wax lagaga qabto sarrifkiisa kor u sii kacaya, sarena u qaada qiimaha shillinka Somaliland.
“Waxaannu galaynaa suuqa sarrifka gali doono berri (maanta) oo aannu lacag fiican galin doono, midhiisana aannu jecelnahay in si dhakhso ah ay dadka danyarta ahi u dareemaan oo shillinkoodu qiimo yeesho, siyaabo badan oo shillinka Somaliland qiimo ku yeelanayana waanu soo wadnaa oo uu la tartamo doollarka iyo lacagaha kale ee fududba, sidaa darteed, waxaannu u sheegaynaa ganacsatada inay dadkooda u naxariistaan oo ay qiimaha ka jabiyaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Dhoobaale, waxaanna isagoo hadalkiisa sii wata oo tilmaamaya sababaha qiimo riday shillinka Somaliland uu yidhi, “Waxaynu ognahay oo nahay dal dhammaan waxa soo gala oo dhami uu doollar u baahanyahay, sababta oo ah waxaynu dhoofin jirnay wuxuu ahaa adhiga xoolaheenna ah, adhigiina wuu istaagay, meel kale oo dollar innaga soo galaa ma jirto, caawimo dawladeed oo waawayna ma hayno, sidaas darteed, waxaynu la kacaa-kufaynaa doollarkaa faraha badan ee baahideena ah ee baahidiisii ka badatay shillinkeena, maadaama wax kastoo aynu so iibsanaynaa uu noqday doollar sida loola dagaallamayaa aad iyo aad u adkaanaysaa.”
Waxa kaloo uu farriin baaq ah u diray ganacsatada iyo shacabka reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Markaa waxaannu bulshada u soo jeedinaynaa inay shillinkooda qiimeeyaan, waayo shillinku waxa uu ka mid yahay astaanta qaranka, inay shacabku wax ku iibsadaan shillinkooda oo ay ka door-bidaan doollarka, ganacsatadana waxaannu u sheegaynaa inay badeecadaha ku qiimeeyaan shillin halka ay doollar ku sheegayaan inay lacagta shillinkeena ugu qiimeeyaan oo dhiirrigelin u noqonaysa dadka, markaa waxaannu uga digaynaa bulshada inay ka daayaan shillinkooda ay cidhiidhiga galiyeen oo ay lacagtooda suuq badan u sameeyaan.”