Araweelo News Network.

 

“Xilalka dawladdu Maaha meel laga Dayo Ilo Dhaqaale Ganacsi, Mana noqonayo kuwo,,,,” Maayarka Burco, Cabdirisaaq Heero

Hargeysa(ANN)-Isbaahysiga Mucaaradka ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa ku guulaystay in ay hantaan kuraasta Maayaradda Magaalooyinka Laascaanood iyo Burco,  kaddib markii ay hore ugu guulaysteen saddex degmo oo ka mid ah 7 Degmo oo derejada A-da ah.

Fadhiga gollaha deegaanka ee lagu doortay Maayarka Cusb ee Burco, Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Cabdirisaaq Heero) iyo Maayar ku xigeenka Muqtaar Cabdi Maxamed,20 Jun 2021, Image Araweelo News Network

Fadhi ay shalay yeesheen gollaha deeganaka cusub ee Magaalada Burco oo ah caasimadda labaad ee Somaliland, isla markaana xudunta iisku xidha ganacsiga Somaliland, Somalia iyo kililka shannaad ee dawlad deegaanka Ethiopia, waxaana loo doortay  Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Cabdirisaaq Heero) iyo Muqtaar Cabdi Maxamed oo labaduba ka mid ahaa xildhibanada kasoo baxay xisbiga UCID ee  ay isbaahysiga wada samaysteen xisbiga WADDANI, si ay  u hantaan mucaaradku kuraasta Maayaradda iyo shirgudoonka gollaha wakiillada Somaliland.

Maayarka cusub ee Magaalada Burco, ayaa khudbad uu markaa kaddib jeediyay ku muujiyay bisayl iyo aftahanimo, isagoo sharaxay waxayaabaha looga baahanyahay ee waajibka ku ah gollaha deegaanka, wuxuuna ugu bushaareeyay dadka reer Burco in ay ka shaqaynaayan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen.

“muhiimada iyo guushu ma ahayn in aannu noqono xildhibaano iyo in maamul la doorto, taasi waxay ahayd isku dayga bilawgii guusha,  balse guusha rasmga ah waa sababtii gollaha deegaanka loo yimi iyo in ay suurtagal noqoto sababtii loo sameeyay oo aynu isbedel iyo shaqo dareeno innaga oo midaysan,  haddii aannay taasi suurtagelin macno ma samaynayso in Maayar iyo ku xigeen la doorto iyo doorasho loo soo galo.” Ayuu yidhi, Cabdirisaaq Heero, Maayarka cusub ee Magaalada Burco, wuxuuna Allah ka baryay in aannay noqon kuwo ku hafta xilka culus ee loo doortay.

Wuxuu sheegay in dhammaan xildhibaanada 13-ka ah ee usoo baxay Magaalada Burco ay u qalmaan in ay Maayar noqdaan,  isla markaana ay lama huraan tahay in muddada shanta sannadood ee la doortay ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan, “Waxyaabaha aannu doonayno in aannu bedelno waxa ka mid ah in qofka Masuulka ah aanu u muuqan hoggaamiye ciiddan, waxay dadka qaar u yaqaanaan xilalka dawladda imeel laga dayo ilo dhaqaale ganacsi oo qofka hayaa ku amar ku taagleeyo, laakiin ma nihin kuwaa ee waxaanu nahay golle deegaan oo ganaya waxay meesha u ymaadeen, mana aha gollaha deegaanku meel lagu maamulo aragti xisbi ee waa waax ka mid ah  xukuumadda” ayuu yidhi, Maayar Cabdirisaaq Heero oo sharaxayay waajibaadka iyo waxa looga baahanyahay  gollaha deegaanka.

Alt: Araweelo News Network

Laascaanood, Cabdikariim Cali Ismaaciill “Qase”,iyo ku xigeenkiisa Axmed Maaxxmed Cumar “Axmed Kawe” 20 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Dhinaca kale, Magaalada Laascaanood, ayaa loo doortay Maayar Cabdikariim  Cali Ismaaciill “Qase”, kaas oo ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, halka Maayar ku xigeenka loo doortay Axmed Maaxxmed Cumar  “Axmed Kawe” oo ka mid ahaa xildhibaanada gollaha deegaanka uga soo baxay xisbiga mucaaradka UCID, waxayna Magaalooyinka Burco iyo Laascaanood noqdeen todobbada magaalo ee derejada A-da ah, labadii ugu danbeeyay, iyadoo shan ka mid ay ku guulaysteen isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, halka Magaalooyinka Berbera iyo Gebilay ay ku guulayastay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, in ay qaataan Maayarada, wllow xisbiga WADDANI uu qaatay Maayar ku xigeenka Berbera.

Dhinaca kale,  Loollanka shirgudoonka cusub ee aan weli la shaacin natiijadiisa rasmiga ah, balse natiijada hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddidayada doorashooyinka heer gobol horaantii Jun 2021, liiska aqlabiyada xildhibaanada oo ay dusha u riteen labada Xisbi ee mucaaradka Somaliland.

labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, waxay  heleen 52 kursi, iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, halka xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, ka helay 30 kursi  82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.

.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com