Warancade1Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka digay ciidamo Ururis ah oo ay dawlada Somalia doonay inay keento xadka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu saxaafada maanta la hadlay, isagoo kusoo laabtay dalka. Kadib safar shaqo oo sida uu sheegay kusoo maray dalalka Imaraadka Carabta ee Dubai iyo dalka Ethiopia.
“Waxaan soo maray dhawr wadan oo Imaaraadka iyo Ethiopia ka mid yihiin, habeen horena waxaan casho ku lahayn Safaarada Britain ee Imaraadka, waxaanu is aragnay madaxdooda oo aanu kala hadalay dalalka aynu saaxiibka nahay iyo madaxda safaaradaba arrin khatar ku ah geeska Afrika oo ay dabada ka riixayaan maamulka Somalia ka dhisan ee Muqdisho oo doonaya ciidamo ururis ah inay keenaan xuduuda Somaliland iyo Somalia u dhaxaysa” ayuu yidhi Cali Warancade.

Wuxuuna intaa ku daray in Dawlada Somalia markay ku fashilantay wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somalia ay go’aansadeen inay u beddelaan arrin ciidan, isagoo yidhi, “waxay ku fashilmeen wadahadalkii, waxayna arrintii u rogeen arrin ciidan oo waxay wadaan inay keenaan xadka ay Somaliland la wadaagaan ciidan Ururis ah oo ilaa 3,000 ah, waxayna caalamka weydiisanayaan inay ka caawiyaan, iyagoo u tusaya ciidan Soomaaliyeen, laakiin ujeedada meesha ku jirtaa tahay sidii loogu khal-khal gelin lahaa gobolka Geeska Afrika nabadiisa, gaar ahaan Somaliland iyo horumarkeeda loogu khal-khal gelin lahaa, taas oo aanu kala hadlay in arrintaa laga hortago, waxana laga qabto iyo khatarta ay u leedahay geeska Afrika in mar danbe dagaal ka dilaaco iyo sidii nabadgelyada gobolka loo wada ilaalin lahaa, waana arrintaa ta ugu weyn ee aan ka wada hadlay oo aan si fiican isula fahanay madaxdii aan kulanay.” Ayuu yidhi Cali warancade.

Wasiirka oo la weydiiyay waxa jira warar sheegayay inuu jiray khilaaf soo dhexgalay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo la xidhiidha dhaqaalaha wasaaraddiisa ee dhinaca amniga oo laga joojiyay, balse waxa uu sheegay in aan waxaba ka jirin wararkaa ee hawlo shaqo uu ku maqnaa wasiirka Maaliyadana aanu jirin waxay isku khilaafeen oo ay isku wanaagsan yihiin.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.