Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay laba nin oo u dhashay dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasoo doonayey inay si been-abuur ah u qaataan kaadhka dhalashada Somaliland, halka sidoo kale lala xidhay nin muwaadin ah oo arrintaas ka caawiyey.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxa saddexda nin la qabtay maalintii Axadda ee toddobaadkan, iyadoo sidoo kale bulshada muwaadiniinta ah looga digay inay dadka ajaanibka ah ka caawiyaan qaadashada kaadhadhka dhalashada Somaliland, arrintaasoo ah dambi lagu mutaysanayo ciqaab adag.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maalinimadii shalay (Axaddii toddobaadkan) xabsiga u taxaabtay saddex nin oo laba ka mid ah u dhasheen Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasoo ka been abuuray sinjiyadda dhalashadeeda si ay u qaataan kaadhka dhalashada Somaliland, halka ninka kalena uu ka caawiyey qabiilka ay sheeganayeen, kuna dhiirigaliyey.
Raggan oo magacyadooda la kala yidhaahdu Cabdillaahi Cabdi Bacaad Yuusuf iyo Xuseen Sheekh Ibraahin Carab Xuseen ayaa u dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida, halka ka kale ee ka caawiyey dhanka sinjiyada ay sheeganayeen uu u dhashay Somaliland, kaasoo isagana lagu magacaabo Deeq Muxumed Guure Xuseen.
Ugu danbayntii Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa muwaadiniinta uga digtay inay ku gacan siiyaan dadka ajaanibka ah qaadashada kaadhka dhalashada iyada oo ciddii isku daydana ay kala kulmi doonto xadhig iyo ganaax adag,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.