Hargeysa(ANN)-Koox ka socotay Ururada aan dawliga ahayn oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa kulan saacdo qaatay la yeeshay Maanta Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.
Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.

Kulankaa oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiiladda, waxa lagaga hadlay arrimaha doorashada golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka iyo xubnaha Komishanka doorashooyinka ee xulistooda muranku ka dhashay.

Warbaahinta, ayaa dibedda ka joogtay kulanku intii uu socday, balse markii uu kulanku dhammaaday waxa ka hadlay waxyaabaha lagaga wada hadlay, guddoomiyaha SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo sheegay in ujeedada ay ugu yimaadeen Guddoomiyaha Wakiiladda ay tahay sidii Baarlamaanku xubnaha komishanka ugu raaci lahaayeen Xeer Lr. 20/2001, kaas oo ah xeerka timaamaya xulisata xubnahaa.

Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.
Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.

“Waxaan kala hadalay guddoomiyaha sidii Baaralaamku xubnaha cusub ugu raaci lahaa Xeer Lr. 20/2001, markaa ujeedada ugu weyn ee aanu ugu nimi guddoomiyaha waxay ahayd arrintaa, waxaanuna u gudbinay aragtidii ay Ururada Bulshadu kasoo naaqishoodeen, waana aragtidaa waxaanu u gudbinay ee may ahayn waxa kale, guddoomiyuhuna wuu nala qaatay, talladii iyo wixii aanu hordhignay ee aanu u gudbinay,” ayuu yidhi, Guddoomiye Anwar oo ka jawaabayay waxyabaaha midha dhalka ah ee kasoo baxay kulankaa.

Guddoomiyaha Dallada SONSAf, wuxuu sheegay inay golaha wakiiladda ku cadaadinayaan inay sharciga u raacaan xubnahaa lasoo magcaabay ee komishanka cusub.

Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.
Kulanka Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo Ururada aan Dawliga ahayn hargeysa 24 Oct, 2019.

Kulanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo khilaaf kasoo baxay magcaabista xubnaha cusub, waxayna Dallada SONSAF, maalintii doraad soo saartay baaq ay kaga hadlay sidii ay doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen iyo sidii meesha looga saari lahaa muranka xubnaha cusub ee komishanka, iyagoo qoraal ay soo saareen Ururada bulshada rayidka ah, kadib kulan ay ku yeesheen xafiiska Sonsaf, ku tillaamay tallaabooyinka looga baahnayahay dhinacyada siyaasada si dalka ay uga qabsoonto doorashadu, waxay ku adkeeyeen dhinacyada Xukuumadda, Xisbiyada iyo Baarlamaanka in aan la carqaladyn xubnaha kimishanka ee cusub oo aan la siyaasadayn, maadaama ay komishanku yihiin hati qaran oo la doonayo inay noqdaan kuwa ka garsooraya doorashooyinka la doonayo inay dalka ka dhacaan, waxayna ka digeen wax kasta oo keenaya dib u dhac ku yiamaada doorashooyinka oo wiiqaya hanaanka geedi socodka iyo nidaamka dumuqraadiyada Somaliland.