Qoraal Cabasho Ah Oo Gaadhay Madaxweyne Biixi

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Dhalinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran oo ah Dufcadii labaad ee kasoo baxda Barnaamijka Shaqa Qaran ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii yagleelay, ayaa iska waayay nidaamka xisaabaadka ee musharooyinka shaqaalllaha dawladda.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo saf ugu jira Qadada kaddib markii uu booqday dhalinyaradda Dugsiga Carbiska shaqa qaran ee Dararweyne 18 Jun 2021, Image File Araweelo News Network.

Dhalinyaradaa oo loo qaybiyay Hay’addaha dawladda si loogu shaqaaleyo, ayaa la waayay mushakarkoodii muddo dhawr Bilood ah, iyadoo aannay jirin sabab cad oo ay ku waayeen mushaharkooda ay xaqa u lahaayeen dhawrkii Bilood ee lasoo dhaafay.

Sida ay sheegayaan warar shebekaddaha Araweelo News Network heshay oo la xidhiidha arrintaa, waxay dhalinyarada shaqa qaran cabashooyin ula tageen masuuliyiinta ay khusayso arrintoodu, balse waxay kala kulmeen hungo madhan.

Hase yeeshee waxay ugu danbayntii go’aansadeen in ay arrintan la socodsiiyaan Agaasimaha Shaqa Qaran Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo ay u gudbiyeen cabashadooda si uu Madaxweynaha ugu wargeliyo arrintan oo hay’adda shaqaaluhu ku dooday in aan maamulkii hore ku wareejin, sidaana lagaga reebay misiaaniyadda qaranka ee 2022.

Dalabkooda cabashada ah, ayaa ugu danbayntii gaadhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo ka cadhooday arrintan markii uu helay qoraalka cabashada ee mushahar la’aanta dhalinyarada shaqa qaran ee loo qaybiyay Ha’yaddaha dawladda.

Wararka la xidhiidha arrintan, ayaa sheegaya in Madaxweyne ku cannaantay arrintan masuuliyiinta ay khusayso, isla markaana amar ku bixiyay in ay xaliyaan mushkilada dhalinyarada ka cabanay mushaharkooda dhawrka bilood ka maqan, laakiin masuuliyiintaa oo balan qaaday in ay xalinayaan ayaan weli meel marin balanqaadkii, waxayna ku cannaanteen dhalinyarada in ay cabashadooda gaadhsiiyaan Madaxweynaha.

Hase yeeshee weli waxa taagan cabashadii dhalinyaradu ku dalbanaysay mushaharooyinka ka maqan, iyadoo masuuliyiinta kal hadlay arrintan aannay weli xal u helin qancinta dhalinyaradaa oo ah dufcadii labaad ee shaqa qaran, waxayna masuuliyiinta qaarkood ku haddideen dhalinyaradaa in haddii ay sii wadaan cabashada oo ay mar danbe Madaxweynaha u cawdaan tallaabooyin ay shaqooyinka ku waayayaan laga qaadayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com