• Xaaladda deg-dega ah ee Coronavirus, waxa soo garaacay Telefoonka Call Canter 11207 qof, taas oo tirada guud ka dhigay ku dhowaad Nus Malyan qof

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay qofkii ugu horreeyay ee Magaalada Hargeysa ee Caasimad ugu dhinta xannuunka Safmarka ah ee Coronavirus , kaas oo noqonaya qofkii labaad ee guud ahaan Somaliland inta la ogyahay ugu dhinta COVID-19.

Sidaana waxa maanta warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuuxuu sheegay in ay soo kordheen saddex kiis oo cusub, taas oo ka dhigay tirada guud 12 qof.

“Waxa soo kordhay saddex kiis oo kale, waxayna tirada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigaysaa 12 kiis, waxaana kasoo kabtay oo ka bogsaday 3 qof, halka uu jiro hal kiis oo dhimasho ah, kaas oo kadhigaya tirada dhimashada mudadii uu ka bilaabmay xannuunku Somaliland 2 qof oo dhimasho ah.”

Wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay dad gaadhaya 311 qof, tan iyo xilligaa uu dalka Somaliland ka bilaabmay xannuunka Coronavirus, iyadoo dhinaca kale uu sheegay baadhitaan lagu wado dadka kasoo gala xuduudaha Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in 24- saacadood ee u danbeeyay ay baadhitaanka hordhaca ah ku sameeyeen wasaarad ahaan 1,550 qof, oo soo galay dalka, kuwaas oo sida uu sheegay laga baadhay callaamadaha xumad iyo inay leeyihiin calaamaddihii kale ee xannuunka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in 24 -saacadood ee u danbeeyay ay lasoo hadleen qaybta xaaladda deg-dega ah ee Coronavirus oo soo garaaceen Telefoonka Call Canter 11207 qof, taas oo tirada guud ee dadka lasoo hadlay tan iyo markii xannuunka lagu arkay Somaliland ka dhigaysa 488050, balse ma sheegin tirada intaa leeg oo dadka lasoo xidhiidhay waxay ku dhamamatay natiijada jawaabta ay doonayeen, taas noqonay ku dhowaad Nus malyuun qof oo lasoo xidhiidhay, isla matkaana si aan macquul ahayn uga badan tirada kiisaska la hayo ee uu sheegay Agaasimuhu oo noqnay 12 Kiia, halka dadka Karantiinka ku jira uu ku sheegay inay yihiin 16 qof.

AKHRI: Dhimashada Qofkii U Horreeyay Ee Coronavirus, Tirada Korodhay Ee Kiisaska Cusub Iyo Digniin Ku Waajahan Bulshada Somaliland Ee COVID-19

Waxa kale Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xergeeye sheegay in 785, qof oo xirfadlaayal caafimaad ah iska diiwaan geliyeen gobolada dalka oo dhan, iyagoo diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyeen haddii xaalladu adkaato.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu dhammaaday Mishiinkii baadhitaanka Coronavirus ee P-T PCR, (Real-Time Polymerase Chain Reaction), kaas oo lagu oggaanayo marka lagu baadho dheecaanada laga qaado qofka inuu qabo COVID-19 iyo inuu ka fayawyahay xannuunkaa. Sidaa awgeed aannay jirayn in dibedda la diro baadhitaan oo saddexdii maalmood ee u danbeeyayna uu shaqaynayay mishiinka shaybaadhka.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in marka baadhitaanku bato ay soo kordhayaan dadka qaba xannuunka, kuwaas oo sida uu xussay aan ahayn dad la kulmay kuwo ka yimi dalka dibbediisa oo xannuunka qabay, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Bulshada in ay is ilaaliyaan oo ay badiyaan taxadirka, isla maraakana raacaan tallooyinka guddida qaranka iyo dhakhaatiirta ee lagaga badbaadayo xannuunka safmarka ah ee COVID-19.

Ilaa xilligan, waa qofkii labaad ee u geeriyooday guddaha Somaliland Coronavirus, kaas oo si weyn ugu faafay dunida, isla markaana dalka ay jaarka yihiin Somaliland sida Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu xannuunka safmareenka ah ee sadheeyey dunida oo loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,804, 912, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 263,349, iyadoo ay kasoo kabteen dad gaashaya, 1,287,570, sida ay sheegayaan warxinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 6, 2020 11:53 PM (GMT+3) Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee COVID-19, ee dunida laga helo. walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin, waxayna khuburad Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19