Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa furay kulankii u horreeyay ee ay yeeshaan Guddida Wacyigelinta iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka Somaliland, kuwaas oo Wasaaraddu Magcawday horaantii sannadkan 2020.

Kulankaa oo maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa, waxa kasoo qayb-galay Wasiirka Wasaaaradda Diinta iyo Awfaaqfta Somaliland, Sheekh Khaliil, Agaasimaha Wasaaradda, Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla, Garyaqaan Guud ee Qaranka Cabdisamad Maal iyo tobban xubnood oo guddidu ka kooban yahay.


Wasiir Khaliil oo hadal ka jeediyay kulankaa, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay Ujeedada kulanka iyo ahamiyada ay guddidu u leeyihiin qaranka, “Marka dhinaca Diinta laga eego waa arrin culayskeeda leh in Umadda laga badbaadiyo dhibataada” ayuu yidhi, Sh. Khaliil, wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay in la garab istaago guddidaa dedaalkooda iyo hawsha ay mudada soo wadeen, isla markaana la waafajiyo siyaasada xukuumadda iyo sharciga.
Sidoo kale wasiir Khaliil, waxa uu sheegay in loo baahanyahay Guddidu, iyagoo kaashanaya Ciidamadda Booliska in la helo xog dhab ah iyo daraasado xaqiijinaya meelaha ay mukhaadaraadku kasoo galaan.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla, oo dhankiisa hadal ka jeediyay kulankaa, ayaa yidhi, “Sharaf ayay noo tahay innaan kulankan oo wasiirku guddoominayo isugu nimaadno Guddida oo ah Wacyigelinta la dagaalanka iyo dabar-goynta mukhaadaraadka, waxay kasoo bilaabantay Culimo, Aqoonyahan iyo Waxgarad iskood isu xilqaamay oo ka dhiidhiyay arrintaa mukhaadaraadka, xukuumadduna ay gar-waaqsaqtay oo u diyaarisay sannadkan 2020, in loo sameeyo miisaaniyad ay ku hawlgalaan.” ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta, wuxuuna madasha kulankaa ka sheegay in Garyaqaanka Guud ee Qaranku sharaxayo qaabka ay guddidu u hawlgelay iyo sharciga ay ku shaqaynay.

Dhinaca kale, markii uu soo dhammaaday kulanku, waxa warbaahinta faah-faahin ka bixiyay Af-hayeenka Guddida Sh. Cabdirisaaq Xuseen Al-Baani oo sheegay in kulankaa lagu falanqeeyay sidii guddida iyo wasaaraddu u wada sshaqayn lahaayeen, isla markaana dabagal joogta ah loogu samayn lahaa fulitaanka qorshayaasha guddida la dagaalanka Mukhaadaraadka, “Waxa laysku raacay qorshe hawleedkii sannadka 2020, waxaana iska kaashanaya Guddida iyo wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo laamaha amniga oo kaashanaya dadweynaha.” ayuu yidhi,

Af-hayeenka guddida, ayaa ku amaanay xukuumadda sida ay dedaal ugu samaysay yagleelida guddidaa iyo sidii qorshe miisaaniyadeed oo ay ku hawlgalaan loogu samayn lahaa.