Araweelo News Network.

Maayar Cawl Muxuu La Kulmay Markii uu waday qorshaha uu Diyaaradda Ku Saarayay Khayriyadii Hore Ee Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha guud ee madaxtooyadda, Maxamed Cali Bile oo ay weheliyaan Maayarka Caasimada Hargeysa, Cadbiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTELCO) iyo Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ayaa soo bandhigay qorshe wax lagaga bedelayo Taallada astaanka caanka ah ee taariikhiga ah u noqotay Somaliland ee uu dhisay Maayarkii hore ee Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdale.

Waxayna maanta si rasmi ah u shaaciyeen dhismaha taallo casri ah oo ay sheegeen in ay xambaarsantahay Astaamaha taariikhihii ugu waaweynaa ee ay Somaliland soo martay, taas oo laga dhisi doono duleedka madxafka qaranka ee uu dhismihiisu ka socdo badhtamaha caasimadda Hargeysa.

 

Munaasibadda ay ku shaaciyeen dhismahan oo lagu soo bandhigay naqshaddda taalladaa iyo qaabka ay u ekaan doonto, ayuu agaasimaha guud ku faah-faahiyey ujeeddada laga leeyahay taalladan iyo waxyaabaha ay ka koobnaan doonto, waxana uu sheegay inay taalladu qayb ka tahay dhismaha madxafka weyn ee qaranka oo uu dhismihiisu socdo, kaas oo sida uu sheegay inuu kamid yahay midhaha siyaasadda madaxweynaha qaranka.

Maayarka Caasimada Hargeysa, Cadbiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTELCO), ayaa sheegay in Diyaaradda saaran halkaa oo uu dhisay Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa ay u ducaynayaan, wuxuuna sheegay in ay ahayd diyaaraddu mid ka duulaysay Madaarka Hargeysa, isla markaana bambooyin la dhacaysay isla Magaaladii ay ka kacday ee Hargeysa.

Sidoo kale, Agaasimaha guud madaxtooyada  Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa sharraxay astaamaha sida gaarka ah uga muuqan doona taalladan oo diyaaradda Khayriyadda agteeda saarani qayb ka noqon doonto, isagoo yidhi,“Taalladani waxay koobnaanaysaa taariikhda Somaliland oo dhan, diyaaraddanina waa qayb kamid ah taarikhihii oo ah dhibaatadii dalkan ka dhacday, laakiin taariikhaha Somaliland way ka badan yihiin, waxana ay kasoo bilaabmaysaa xilligii gumaystuhu dalka qabsaday, halgankii gobonnimo-doonka, halgankii Daraawiishta,  iyo kuwii ka dambeeyey oo dhan.”

AKHRI: Maayarkii Raadadka Dhaxalka Taariikhda Halganka Uga Tegey Somaliland Cawl Cilmi Cabdalle Oo Lagu Aasay Hargeysa

Wuxuu sheegay in Taariikhda Somaliland ay halkaas dadka ajaanibka ee dalka soo booqdaa si dhib yar uga daalacan doonaan dhammaan wixii dalkani soo maray.

Diyaaradda uu saaray labaatan sannadood ka hor badhtamaha Magaalada Hargeysa Maayarkii hore ee Hargeysa Allah ha u naxariistee Cawl Cilmi Cabdle oo ku geeriyooday Hargeysa Dec 29th, 2019.

Maayar Cawl ayaa markii uu bilaabay qorshihiisa ahaa inuu Diyaaradda ka dhigo astaan ka turjumay taariikhda Somaliland, wuxuu la kulmay xadhig dhawaaqyo si hoose u socday oo dadka qaarkood ku diidanaayeen, iyadoo loo nisbeeyo xadhigii la xidhay xilligaa isagoo Maayar ah ka hor intii aanu diyaaradda saarin halkaa inay sababtay arrintaa.

Balse markii lasoo daayay muddo koobban kaddib ayuu ka dhaveeyay qorshihiisii, waxayna noqotay Diyaaraddu mid ka turjumaysay xasuuqii iyo tacadiyadii ay dawladdii Millateriga ahayd ee Siyaad Barre kula kacday dadka Somaliland, waxayna noqotay astaan si weyn uga turjumay duqaymihii iyo dagaalkii ka dhacay gobolada Somaliland ee xilligaa ka mid ahaa dawladdii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxayna ahayd sawirka ay ka qaataan Somaliland dadka ajaanibka ah ee soo booqda, gaar ahaan suxufiyiinta doonaya inay wax ka qoraan ee ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha.