Araweelo News Network.

Somaliland: Dadka Codkooda Dhiibanaya, tirada Murrashiinta iyo goobbaha cod bixinta 31 May 2021

An independent team of 12 international observers is concluding its examination of the campaign and preparing for election day itself. Image Araweelo News Network. 30 May 2021

Hargeysa(ANN)-Soaliland waxa maalinta Isniinta 31 May 2021 Maalinta loo dareerayaa doorashooyinka Somaliland ee gollayaasha deegaanka iyo gollaha wakiillada, waxa ku tartamaya

 


 

798 murrashaxiin ah oo ka socota saddexda Xisbi ee WADDANI, KULMIYE, UCID, kuwaas oo 552, ka mid ah ay u tartamayaan  gollayaasha deegaanka dalka, halka 246 murrashax u tartamayaan gollaha wakiiladda Somaliland.

Doorashooyinka, ayaa loo qorsheeyay in 2, 709, goobood oo (Polling Stion) codka laga dhiibanayo dalka oo dhan, isla markaana doorashooyinka ayaa ka dhacaya 23 Degmo doorasho, iyadoo ay ka hawlgelayaan maalinta doorashada hawlwadeeno gaadhaya 30, 000, halka ay codkooda dhiiban doonaan sida ku cad diiwaanka rasmiga ah ee Guddida doorashayoonka Somaliland e (NEC), ugu danbayntii shaaciyeen, 1, 065,  847 cod bixiye.

 

Doorashooyinka isku lamaan ee Gollayaasha deegaanka dalka iyo gollaha wakiillada ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee lays raaciyay tan iyo intii ay Somaliland qaadatay nidaamka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, iyadoo ay Somaliland hore usoo qabatay Lix doorasho, kuwaas oo kala ahaa doorashooyinka tartantan Ururada iyo axsaabta oo laba jeer la qabatay, saddex doorasho Madaxtooyo iyo hal doorasho gollaha wakiilada ah.

Deegaamada iyo gobollada , ayaa la arkayay boqolaal dad ah oo u kala baxay dadka kaadhadhka ka qaatay meelaha fof fog, iyadoo dadka ugu badan ka anbabaxeen magaalooyinka Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo Magaalada Burco, kuwaas oo u anbabaxay goobbaha cod bixinta.

Dhinaca jkale, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixisay hawsha doorashada ee beri Isniinta 31May 2021, waxayna sharaxday qaabka cod bixinta iyo sida ay muhiim u tahay in ay dadku marka ay calaamadinayaan murrshaxa ay doonayaan lagama maarmaan u tahay in ay hubiyaan, iyadoo qofku xaq u leeyahay in uu laba murrashax oo oo gollaha wakiiladda iyo gollaha deegaanka ee uu dooranayo.

Halkan Ka Daawo farriinta Muhiimka ah ee Komishiner Marwo Kaltuun Sh. Xasan.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com