Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Dugsiyada Nuuradiin oo ka mid ah kuwa ugu caansan Somaliland ee gaarka loo leeyahay, ayaa keenay qalabka loo adeegsado ka hortagga xannuunka COVID-19, si Ardayda Dugsiyada Nuuradiin loo ilaaliyo caafimaadkooda.


Maamulka Nuuradiin, ayaa sheegay in iyagoo raacayaa awaamiirta guddida COVID-19 ee Somaliland ay soo iibsadeen qalabka lagu baadho xumadda ee xannuunka COVID-19, sidoo kale Fasalada Ardayda iyo Basaska ay raacaan la buufinayo xilliyo ku haboon, taas oo sida uu sheegay madaxa Faya-dhawrka ee Dugsiyada Nuuradiin kor loogu qaadayo nadaafada iyo daryeelka caafimaadka Ardayda.

Halkan Ka Daawo Qalabka Dugsiyada Nuuradiin keeneen