Hargeysa(ANN)-Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garowga iyo ka hor-tagga xannuunka COVID-19, ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo kala duwan iyo awaamiir saamayna nolosha dhaq-dhaqaaqa iyo goobaha cibaadada ee Masaajidada, sidoo kale waxa awaamiirta cusub ay saamaynayaan qaabka gaadiidka dadweynuhu u shaqaynayaan iyo xidhitaanka goobaha waxbarashada ee horre oo loo fasaxay oo la kordhiyay mudada ay sii wadanayaan.

Go’aamamo kasoo baxay Guddida heer qaran ee ka hor-tagga caabuqa COVID-19, ee Somaliland, ayaa wax ka bedelaya xaaladda nololeed, goobaha cibaadada iyo qaabka loo raacayo gaadiidka, go’aamada ayaa soo baxay kadib markii ay maanta wasaaradda Caafimaadku shaacisay in Saddex qof oo cusub laga helay caabuqa  Coronavirus, taas oo kordhisay tiradii hore ee ay sheegeen in lagu arkay Somaliland oo ahayd, sidoo kale ay jiraan laba qof oo kale oo laga shakisan yahay, kuwaas oo natiijada baadhistooda caafimaad la sugayo.

Kulan deg-deg ah oo ay guddida heer qaran yeesheen maanta gelinkii danbe, ayaa laga soo saaray go’aamadan oo ka kooban 10 qodob, kuwaas oo ay ku jiraan in muddo Afar todobaad ah lagu kordhiyey Fasaxa  goobaha Waxbarashada ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

War-saxaafadeed kazoo baxay guddidu oo ay wadajir u soo saareen oo lagu shaaciyey qodobadaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Wararka ee Araweelo News Network, ayaa ahaa sidan:-

“Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xannuunka COVID-19, oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi lsmaaciil (Seylici) kadib shir ay maanta isugu yimaadeen waxay ka hadleen khatarta xannuunka Coronavirus oo kordhaysa iyada oo 3 qof oo cusub laga helay xannuunka.

Gabagabadii shirka waxay guddidu isla garatay in loo baahan yahay in la qaado talaaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakamaynayo faafidda xannuunka COVID-19, ee bulshada dhexdeeda, waxayna soo saareen qodobadan hoos ku xusan:

  1. Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan “In Shareecadeenna suubban av u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xagiijiyo daruufo adag, sida xanuunada faafa iwm” iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020, ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Muadiniinta Masaajidada waxa Ia farayaa in ay Eedaanka salaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii Rixaalikum).
  1. Waxa muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April 2020 lagu daray wakhtiga ay sii xidhnaan doonaan dhammaan goobaha waxbarashada dalka.
  1. Waxa xidhnaan doona xadka dhulka ee Somaliland ay Ia leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBOUTI iyo SOOMAALIYA inta khatarta xanuunka COVID-19 ay iska bedalayso, waxaana ka soo gudbi kara waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecaddaha ganacsiga ee kala duwan.
  1. Dhammaan marsooyinka Somaliland way xidhnaanayaan marka laga reebo DEKADDA BERBERA oo ay ka soo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah sida Raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan.
  1. Waxa la tarayaa mulklilayaasaha lyo wadayaasha basaska dadweynuhu adeegsadaan ee ka shaqeeya magaaloayinka waaweyn dhexdooda In ay dhimaan kala badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen laga bilaabo 15 April 2020, Inta laga xaqiijinayo In xanuunka COVOD-19 dalka uu ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayaana waxa ay noqonaysaa sidan:
  • Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay lnuu qaada 15 qof
  • Baska 15 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof
  1. Laga bilaabo 15 April 2020 gadiidka yaryar ee magaalaoyinka dhexdooda ka shaqeeya waxa loo ogol yahay inay qaadi karaan rakaabka loo qoondeeyey oo ah sidan hoos ku xusan:
  • VITZ-ta 1 qof oo rakaab ah
  • Probox 2qof oo rakaab ah
  • Bajaajta 1qof oo rakaab ah
  1. Laga bilaabo 15 April 2020 dhammaan basaska qaada rakaabka ee u kala safra gobolada dalka waxa la farayaa In ay dhimaan kala badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen Inta laga xaqiinayo In xanuunka COVOD-19 dalka ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayaanna waxa ay noqonaysaa sidan:
  • Baska 60 qof qaada waxa loo ogol yahay Inuu qaado 30 qof
  • Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay lnuu qaado 15 qof
  • Baska 15 Qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof
  1. Isbedelka qiimaha gaadiidka ee iman kara waxa Isla goynaya maamulada gobolada Iyo degmoovinka Iyo Ish-kaashatooyinka iyo mulkiilayaasha gaadiidka dadwaynaha si dhakhso ah.
  1. Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa In ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah Oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.
  1. Waxa lagu war-gelinayaa Bulshada reer Somaliland in ciddii u hogaansami weyda dhammaan go’aamada ka soo baxay Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 ay mutaysan doonto ganaax Iyo xadhig.” ayaa lagu yidhi, go’aamada ku qornaa war-saxaafadeedka ay guddidu soo saareen maanta.