madaxweynexigeenkaseylicidegankaHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga hadashay xaalufka deegaanka ee seerayaasha lagu xidhtay iyo dhibaatooyinka ay dadku sababeen ee waxyeelay deegaanka, waxayna go’aanno ka soo saartay Ilaalinta daryeelka degaanka iyo baabi’inta dhul-daaqsimeedka sifaha sharci-darrada ah loo Ootay, iyadoo digniin loo diray cidkasta oo sheegata dhul ka dhexeeya ummadda Somaliland.
Sidaana wax aka dhawaajiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana ah ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qaybgalay xus loo sameeyey maalinta degaanka adduunka oo lagu qabtay Hargeysa shalay, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan qaateen go’aan lagu tirtirayo dhulka la xidhay, isla markaana tallaabooyin sharci ah laga qaadayo dadka caadaystay goynta dhirta iyo kuwa sheegtay dhulkii dadka ka dhexeeyay.

“Xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa siyaasad ku aadan dhaqaalaynta iyo ilaalinta degaanka, isla markaana si loo yareeyo waxyeelada isbeddelka cimilada, waxay qaaday tallaabooyinkan oo lagu daryeelayo degaanka.

1- Raadinta iyo dhiirigelinta tamaro kala duwan oo lagu beddeli karo dhuxusha
2- Ka hortaga xaalufka iyo dhir-jarista, iyadoo aan loo dulqaadan doonin in la baabiiyo degaanka iyo dhirta.
3- Hakinta iyo baabi’inta dhul-daaqsimeedka loo ootay sida sharci-darrada ah

Qodobka aan isku dul-taagaya waxa weeye in dhulkii ka dhexeeyey ummadda aannu ognahay in dad gaar ah qaatay, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘amaano kugu raagtay in aad leedahay ayaad moodaa.’ Markaa waxa aannu leenahay, una sheegaynaa ummadda reer Somaliland meel aad joogtaanba dhulkaa Oodateen maaha mid aad ka leedihiin ama xigtaan ummadda kale, laga bilaabo maantana uma dulqaadanayno arrintaas, waxaanna loo xilsaaray 11 ilaa 12 wasaaradood oo iska kaashanaya waddo kasta oo aan u marayno iyo dhaqaale kasta oo ay nagu qaadanayso sidii loo baabi’in lahaa seerayaasha sharci-darrada lagu xidhay, waxaanan ka bilaabaynaa olole ballaadhan oo lagu baabi’inayo dhulka la iska Ootay, iyadoo aanay jiri doonin cid gaar ah oo dhul iska Oodan kartaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xuska maalinta degaanku ahayd 5 June 2015 oo ku beegnayd maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay, balse la isla qaatay in maalinta Deegaanka la qabto Axaddii oo ahayd shalay, isagoo xusay in doorsoonka cimiladu sababo dhibaatooyin baddan oo la xidhiidha dhinaca degaanka.

“Doorsoonka cimiladu inkasta oo uu u dhici karo si dabiici ah, sida raadka ka dhasha folkaanaha (volcano), waxa haddana saansaankiisa ii murgiya ama adkeeya dhaqdhaqaaqa aadamaha. Samaynta degaanno cusub oo aan qorshaysnayn ayaa sidoo kale raad ku yeesha degaanka iyo doorsoonkiisaba, waxa kaloo raad ku yeesha xaalufinta dhirta qoyan oo siyaabo baddan loo addeegsado, sida dhuxusha, dhismayaasha guryaha iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Korodhka Warshaddaha dunida, ayaa sidoo kale saamayn ku yeesha deegaanka, taasoo keentay qiiq baddan oo hawada lagu sii daayo inuu saamayn ku yeesho nolosha Bulshada iyo Deegaankaba. marka laga hadlayo dhinaca Somaliland-na raadaynta ugu baddan ee doorsoonka degaanka ama cimilada waxa ka mid ah Abaaraha soo noqnoqda iyo cimilada oo isbeddesha, ciida oo tayo-dhac ku yimaado, dulinka iyo Cayayaanka Beeraha oo bata oo ay weheliso in wax-soo-saarkii oo yaraada,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in dhir badan oo laga dabar-gooyey Somaliland ay saamayn ku yeelatay degaanka, isla markaana ay arrimahaasi sababeen in khayraadka dalku lahaa hoos-u-dhac ku yimaad, isagoo xusay in dad badan ku soo qulquleen magaalooyinka, kadib markii noloshii miyigu adkaatay.

Waxa uu ballanqaaday in dawladda Somaliland ka shaqayn doonto sidii loo daryeeli lahaa degaanka, isla markaana looga hortagi lahaa xaalufka iyo seerayaasha sida sharci-darrada ah loo xidho oo uu tilmaamay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland inay saamayn ku yeesheen degaanka Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.