Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamo kasoo saaray gaadiidka gurran iyo soo dejinta gaadiidka yar yar ee Vitz-ta.

Sidaana waxa lagu sheegay go’aan kasoo baxay maanta shirkii gollaha Wasiirada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 66aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa warbixin lagaga dhigeystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, iyadoo goluhuna dood iyo falan-qayn dheer ka dib uu go’aamo ka gaadhay gaadiidka gurran ee dalka laga istcimaalo.

Ugu horayn waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu xusay in xaalada guud ee dalku tahay mid nabadgelyo ah, wuxuuna amaan iyo bogaadin u soo jeediyey ciidamada kala duwan ee heeganka u ah arrimaha nabadgelyo dalka.

 

Goluhu wuxuu ka dooday wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo wado marista Somaliland, Xeer Lr.56/2013, xeerkan oo ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee qaranku leeyahay, waxyaalaha muhiimka ah ee uu ka hadlayana ay ka mid ahayeen:- Nidaamka maamulka gaadiidka iyo diwaangelintooda.

Ø  Noocyada kala duwan ee gaadiidka.

Ø  Ruqsada wadida gaadiidka.

Ø  Nidaamka waddo marista iyo haadadka iyo

Ø  Badbaadada gaadiidka iyo hanaanka badqabka gaadiidka.

Xeerkaas oo ay fulintiisa qayb muhiima ka yihiin hay’addo badan oo xukuumadda ah.

Dhinaca kale guddi hore goluhu ugu xilsaaray ka soo tallo bixinta gaadiidka gurran ee dalka laga isticmaalo ayaa golaha la wadaagay warbixin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa gaadiidka gurran ee dalka laga isticmaalo iyo gaadiidka yaryar ee aan manfaca badan u lahayn bulshada, iyagoo xusay in tobankii bilood ee u danbeeyey sannadkan 2020 ay dalka soo galeen in ka badan 8,628 gaadhi oo badankoodu ay yihiin baabuurta aan manfaca muhiimka u lahayn bulshada.

 

Haddaba, Dood iyo falan-qayn dheer ka dib goluhu wuxuu go’aamiyey in aan gebi ahaanba lasoo dejin karin gaadiidka gurran ee isteerinka ku leh dhinaca midigta, si la isu waafajiyo gaadiidka dalka laga isticmaalo iyo haadka saxda ah ee dalka. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in la joojiyo gaadiidka aan manfaca u lahayn bulshada gaar ahaan gaadiidka yaryar ee Vitz. goluhu wuxuu wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka u xilsaaray hirgelinta go’aamadaas.

 

Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci oo ay golaha hor keentay wasaaradda Cadaaladda, xeerkan oo muhiimad siinaya dadka danyarta.

 

Ugu danbayn golaha wasiirradu wuxuu hambalyeeyey habsami u socodka koobka gobolada Somaliland ee ka socda Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.