Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN/Waaberi)-Golaha Guurtida Somaliland waxa hadheeyay dood iyo soo jeedimo adag oo ku saabsan xidhiidhka labada gole baarlamaan kadib markii xeerka Kufsiga oo Guurtidu wax ka bedeshay kuna celisay wakiillada lagu gacan saydhay si toos ahna loogu gudbiyay madaxweynaha oo isna saxeexay todobaadkii hore.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee ka qayb galay doodda ayaa soo jeedinayay in la qiimeeyo Dastuur jabin uu ku kacay Golaha Wakiilladu, islamarkaana la joojiyo wada shaqaynta labada gole inta laga helayo xeer hoosaad lagu maamulo awooddaha wada shaqayneed ee Wakiillada. Cabashada noocan ah ayaa salka ku haysa in marar badan xeerar la soo marin lahaa Guurtida si toos ah madaxtooyada loogu gudbiyay. Arrinta hadda xurguftu ka taaggan tahay ayaa ah xeerka Kufsiga oo guurtidu qodobo door ah wax ka bedeshay kuna celisay wakiillada laakiin, Wakiilladu ku ansixiyeen sidii hore kadibna u gudbiyeen madaxwey.naha oo isna qalinka ku duugay.

Guurtida ayaa golaha wakiillada ku eedeeyay in ay ansixiyeen xeer ka hor imanaya Shareecada Islaamka, islamarkaana ay dastuur jabin ku kaceen. Sida caadiga ah xeerarka golaha wakiilladu ansixiyaan ayaa u gudba Guurtida oo awood u leh wax ka bedel iyo kaabis ay dib ugu soo celiso wakiillada marka laga reebo xeerarka dhanka dhaqaalaha ku saabsan oo Wakiilladu ansixiyaan una gudbiyaan madaxtooyada.

Afhayeenka golaha guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo fadhigii shalay ka hadlayay ayaa soo jeediyay in la joojiyo wada shaqaynta labada gole “Xeerkii Kufsiga oo aynu wax ka bedel ku samaynay oo u gudbinay Wakiillada waa la faafiyay waxaanu ahaa xeer aan Dastuurka waafaqsanayn Diinta Islaamkana aan waafaqsanayn ayuu ahaa. Wax ka bedelkeenii iyo kaabisteenii waa la diiday, anigu waxaan soo jeedinaya mudane guddoomiye iyo mudaneyaal ilaa aynu Golaha Wakiillada xeer hoosaad yeelano in aynaan xeer dambe ku celin.

Waa in xeerkii labada gole ku wada shaqayn lahaayeen aynu soo jeedino xeerarkan aynu Wakiillada ku celinayno joojino haddii Maxkamadda tafsiir loo dirayana loo diro,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg ayaa soo jeediyay in goleyaashu ka fiirsadaan xeerarka ay ansixinayaan oo ilaa jiilalka dambe mustaqbalkooda saamaynaya. Xildhibaan Dheeg wuxuu soo jeediyay in degdegga laga dhawro xeerarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan waxa uu soo jeediyay in dabagal lagu sameeyo khaladaadka ku jira xeerkan kadibna lagula xisaabtamo Golaha Wakiillada Somaliland dastuur jabinta ay sameeyeen.

Qodobada La Isku Maandhaafsan Yahay

Xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga ee Xeer Lr/78 waxay ururada bulshadu bilaabeen sanadkii 2013 waxaana ansixiyay Golaha Wakiillada January 2017 waxaanu u gudbiyay golaha Guurtida. Golaha Guurtidu wuxuu wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyay qodobada 1, 3, 4, 5, 9,10, 14, 17, 25, 29, 35, 38, 39, 40, 45 waxaanu dib ugu celiyay Wakiillada waxaana arrintaasi ka qayliyay ururada bulshada ee xeerkan dabada ka riixayay taasna waxay keentay in Wakiilladu ku ansixiyaan sidii ay hore ugu ansixiyeen iyaga oo ku gacan saydhay wax ka bedelka Guurtida kadibna waxay u gudbiyeen madaxweynaha oo iska todobaadkii hore dhaqan geliyay.

Wargeyska Waaberi oo darsay qodobada la isku khilaafsan yahay ayaa fahansan in Golaha Guurtidu xeerka waafajinayaan Shareecada Islaamka halka qaabka Wakiilladu u ansixiyay waafaqayo xeerarka caalamiga ah. Tusaale ahaan ujeedada xeerka ayay isku khilaafsan yihiin labada gole waxaanay u kala dhigeen:-

Ujeedada xeerka; sida wakiilladu ku ansixiyeen

In la dejiyo xeer waafaqsan ama la jaanqaadi kara Dastuurka, minqiyaasyada caalami ee xuquuqda aadamaha iyo mabadi’da guud ee caddaaladda oo ku habboon waxna ka tari karta in la mamnuuco lagana hor tago kufsiga iyo faldambiyeedyada kale ee jinsiga;

Ujeedada xeerka: Sida Guurtidu u bedeshay;

In la dejiyo xeer waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka Qaranka JSL, maba’diida guud ee caddaaladda, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee umaddu leedahay.

Waxa kale oo la isku khilaafsan yahay cidda ‘Carruur ah’ Waxaanay Wakiilladu u dhigeen ” .’Carruur ‘ waxa loola jeeda qof da’diisu ka yar tahay 18 jir,” halka Guurtidu u bedeshay ” Carruur’ waxa loola jeeda qof da’diisu ka yar tahay 15 jir.”

Qodobada kale ee la isku maandhaafsan yahay ayaa ku saabsan kuwo Guurtidu hoos u dhigtay ciqaabtooda maaddaama inta badan xeerka Wakiilladu ansixiyay ciqaabta Kufsiga ka dhigayo 15 Sanno ilaa 20 sanno halka faldambiyeedyada qaar uu gaadhsiinayo 28 sannadood. Meelaha la isku diidan yahay waxa ka mid ah faro gelinta kiisaska Kufsiga sida in Odayaal dhex galaan oo xalliyaan taas oo xukunka ka dhalanaya xeerku adkeeyay laakiin, guurtidu hoos u dhigtay, islamarkaana la iibsan karo. Waxa kale oo la isku diidan yahay meelo guurtidu Shareecada Islaamka cuskatay ama xeerka Ciqaabta u celisay.