Hargeysa(ANN)-Fadhigii Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta meel mariyay soo jeedinta muddo kordhinta xilka golaha wakiiladda oo ku eeg 29 April 2019. Kadib markii golaha guurtidu u saaray 25 xubnood oo soo dersa sidii laysu waafajin lahaa muddada xilkoodu gabaabsiga ah iyo sidii doorashada golaha wakiiladu sannadka 2019, u qabsoomi lahayd.


Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Siciid Jaamac (Timo- Weyne), ‘ ayaa Mudanayaasha u akhriyay soo jeedinta la hor keenay golaha, wuxuuna sheegay in Mudanayaasha wakiilada muddada xilkoodu ku eeg yahay, 28 April 2019 Sidaa awgeed loo sameeyay muddo kordhin ka bilaabmay 28 April 2019, oo ku eeg 12 January 2020, isagoo Sidoo kale sheegay in doorashadu ku qabsoomay 12/ 12/ 2019, bil ka hor dhammaadka muddo xileedka golaha wakiiladda Somaliland.

Soo jeedinta’ ayaa lagu sheegay in golaha Guurtida oo xilkoodu dhammaanayo ay muddo sannad ah ka danbaynayaan dhammaadka muddo xileedka Wakiiladda ee 12 January 2020.

Markaa kadib waxa makarafoonka la wareegay Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuuna sheegay in 69 Xildhibaan u codeeyaan soo jeedinta oo aanu isagu codayn, isagoo sheegay inay sidaa ku ansaxday soo jeedinta muddo kordhinta golaha Wakiiladda ee golaha Iyo waqtiga doorashada golaha Wakiiladda Somaliland.

Dhinaca kale hoggaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa Jawaabo kala duwan ka bixiyay muddada loo kordhiyay golaha Wakiiladda, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) oo maanta markii uu dalka kusoo laabtay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in doorashadu qabsoonto sannadkan 2019, balse wuxuu xusay inay jiraan caqabado ay kow ka yihiin saamiga kuraasta sida loo qaybnayo, Komishanka oo ay horre u dalbadeen in la bedelo iyo arrimo kale, wuxuuna Ishaaray in caqabadahaa haddii miiska laysugu yimaado laga heshiin karo oo ay dhinacooda diyaar yihiin si doorashada loo qabto 2019.

Balse Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe’ ayaa ku tilmaamay mid loo baahnaa oo muujinaysa sida ay Somaliland uga go’antahay in doorashada golaha Wakiiladda la qabto, wuxuuna sheegay in waxyaabaha laysku diidanyahay laga heshiis karo oo meel dhexe laysugu iman karo.