Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa meel mariyay kaabis iyo wax-ka bedel lagu sameeyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland ee Xeer/L.r. 50/2011, kadib markii golaha la hor keenay Mooshin ay saxeexeen 75 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee gollaha Wakiiladdu la kooban yahay.


Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa ka xaadiriyay fadhigii saaka ee golaha magacyada 75-ka xildhibaan ee saxeexay mooshinka kaabista iyo wax-ka-bedelka lagu samaynayo xeerkaa oo dabar ku noqday ganacsiga xorta ah ee Dastuurka Somaliland jideeyay, kadib markii ay golaha wakiiladdu sannadkii 2011, raaciyeen qodob kooto ugu xidhay shirkadda SOMCABLE xadhiga Fiber Optic-ga ee Internetka , taas oo aan waafaqsanayn dastuurka Somaliland iyo nidaamka ganacsiga xorta ah ee ay Somaliland qaadatay.


Arrintaa, ayaa xilligaa abuurtay xiisad siyaasadeed iyo inay Somaliland ka leexato nidaamka dumuqraadiga ah ee ay qaadatay marka laga hadlayo ganacsiga xorta ah ee Dastuurta Somaliland jideeyay, sida uu sheegay Xidlhibaan Siciid Xaaji Af-weyne oo mudanayaasha u akhriyay mooshinka wax-ka-bedelka iyo kaabista ee Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland.


“Annagoo gudanayna waajibaadkayaga ku tilmaaman Qodobada Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ee 39, 54, 74, 76, 77 iyo 78, ee Dastuurka, Annagoo raacayna qodobada 42, 43 ee xeer hoosaadka gollaha Wakiiladda Somaliland, annagoo illaalinayna ku dhaqanka mabaadiida suuqa xorta ah, ee ku qeexan qodobka 11aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Annagoo aragnay in xarfaha 9, 18, 19, 20 iyo 21 ee qodobka 3aad ee Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Xeer/Lr. 50/2011, si toos ah uga hor imanayaan qodobka 11aad ee Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland iyo qodobka 5aad ee isla xeerkaa.


Annagoo dhiirigelinayna maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ahmiyada ay leedahay Marsada Berbera, si ay kaalinteeda uga qaadato tartanka ka jira mandaqadan, oo dekeddaha la tartamaya ta ugu yar ay ka degeen laba xadhig oo ah Fiber Optic-ga ee Internetka, annagoo mudnaanta siinayna inay dadweynaha Somaliland helaan adeeg jaban, ammaan ah, kharash yar, oo joogtaysan u helaan, isgaadhsiinta casriga ah.


Xeerka Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu tir-tirayaa, kana dhigayaan waxba kama jiraan ruqsad, heshiis, ama qoraal cid gaar ah ay la gashay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo khuseeya arrimaha Isgaadhsiinta noocyadooda kala duwan, kaas oo ka hor imanaya qodobka 11aad ee Dastuurka Somaliland oo si cad u qeexaya suuqa xorta ah.” ayuu yidhi, Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne.


Guddoomiye Baashe, ayaa markaa kadib Xoghayaha gollaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ku war geliyay inuu u akhriyo gollaha kaabista wax-ka-bedelka Xeer/L.r. 50/2011, waxaana madasha fadhiyay 71, Xildhibaan, kuwaas oo markaa kadib cod loo weydiiyay, iyadoo 68 Xildhibaan oggolaadeen in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerkaa, hal xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaan oo kelena wuu ka aamusay sidaana wuxuu guddoomiye Baashe oo aan codayn ku sheegay inuu ansaxay wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka isgaadhiinta Somaliland ee Xeer/Lr. 50.2011.


Si kastaba ha haatee Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa jebiyay gidaarka ay hore ugu xidheen Xeerka Isgaadhiinta ee aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland, iyagoo dib u saxay khaladkii Dastuuriga ahaa ee ay sameeyeen sagaal sannadood ka hor.