Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meel mariyay laba mooshin oo saaka si lama filaan ah fadhigii gollaha loo hor keenay maanta.

Labada Mooshin oo ay soo jeediyeen laba xildhibaano ka mid ah mudanayaasha, ayaa xanbaarsnaa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo labada xeer eek ala ah xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer L/R 91, 2020.

Laxidhiidha: Sawaxan Iyo Buuq Ka Dhashay Waxyaabaha Laga Bedelay Xeer 14, Saamaynta Doorashooyinka Iyo Dhismaha Axsaabta

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif oo guddoominayay fadhiga, ayaa markii loo soo gudbiyay labada mooshin ka codsaday in loo akhriyo nuxurka ay xanbaarsan yihiin, iyadoo laba xildhibaan oo ka ahaa xubnaha watay mooshinadu ka akhriyeen fadhiga nuxurka mooshinada iyo qodobada labada xeer ee wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq, ayaa markaa kaddib codsay in la soo tiriyo mudanayaasha gollaha ee fadhiga ku sugnaa, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 53 xildhibaan.

Wuxuuna markaa kaddib guddoomiye Khaliif in labada mooshin iyo nuxurka ay xanbaarsan yihiin ee qodobada wax laga bedelay sidaa loogu codeeyo iyo in la geliyo dood, waxaana loogu codeeyay labada mooshin mid walba gaarkiisa in aan dood la gelin.

33 Mudane ayaa u codeeyay in aan laga doodonin wax ka bedelka iyo kaabista xeerka ee goluhu u codeeyo, waxaana ka aamusay 19 mudane,  cid diidayna ma jirto, guddoomiyuhuna muu codayn, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu.

Gollaha ayaa markaa kaddib Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u sheegay in labada mooshin ee yaala loo akhriyo mudanayaasha .

Mooshinka Koowaad ee wax ka bedelka iyo kaabista xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka Xeer.L/R 14.2011, kaas oo sida uu sheegay Guddoomiyuhu ay kusoo lifaaqeen qodobada ay soo jeediyeen in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay.

Guddoomiyaha, ayaa markaa kaddib cod geliyay mooshinka wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka Xeer.L/R 14. 2011.

33 Mudane ayaa u codeeyay qodobada wax ka bedelka iyo kaabista xeerka, waxaana ka aamusay 19 mudane cid diiday ma jirto, guddoomiyuhuna muu codayn.

Markaa kaddib ayuu guddoomiyuhu gollaha u akhriyay soo jeedinta kale ee mooshinka wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer L/R 91, 2020, iyadoo soo jeedinta qodobada loo akhriyay mudanayaasha.

Guddoomiyaha ayaa markaa kaddib cod geliyay qodobada wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer L/R 91, 2020.

Sida uu sheegay Guddoomiye Khaliif, 33 Mudane ayaa u codeeyay qodobada wax ka bedelka iyo kaabista xeer 91, waxaana ka aamusay 19 mudane cid diiday ma jirto, guddoomiyuhuna muu codayn, waxa xusid muddan in wax-ka-bedelka iyo kaabista meelaha nuxurka ugu weyn ee lagu asteeyay qodobada ay tilmaamayaan isku sidkanaanta labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Ururada siyaasada, wuxuuna sidoo kale tilmaamaya in laba muddo xileed oo madaxtooyo ay u tartamayaan xisbiyadu, taas oo macne ahan lagu xoojiyay haddii xiliga sharciga ee xisbiyadu dhammado loo kordhinayo, marka loo kordhiyo muddada madaxweynaha, balse qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa dood ka keenay qaabka loo meel mariyay labada mooshin.

Muuqaalkan Ka Daawo Qaabka Loogu Codeeyay iyo Qodobada Wax Laga Bedelay

https://www.youtube.com/watch?v=-Uo0HBgr5V0

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com