Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee muranku ka taagan yahay.

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu sheegay in dastuurka reer Somaliland aftida ku ansixiyeen sannadkii 2001-kii uu masuuliyadda ilaalinta amniga iyo nabadgelyada dalka gacanta ka geliyey xukuumadda dhexe, isagoo xusay in axdi-qarameedkii lagu dhaqmi jiray ka hor dastuurku uu Golaha Guurtida awood u siinayey ilaalinta nabadgelyada bulshada.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, isagoo tilmaamay in Golaha Guurtidu ay hawlaha amniga qaranka u daba fadhiyaan xukuumadda talada dalka haysa, balse, wixii looga baahdo ay gacan ka gaysanayaan si loo soo afjaro isku dhacda beelaha degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

“Horta nabadgelyada dalka, waxa qaabilsan xukuumadda, wixii gacan ay innooga baahato ayaannu annagu Guurti ahaan siinaynaa. Axdi-qarameedkii (lagu dhaqmi jiray ka hor ansixintii dastuurka) markay nabadgelyada runni run gaadho waxa lahaa Golaha Guurtida, dastuurka aynu samaysanay ayey xukuumaddu la wareegtay, wixii na looga baahdo waannu la qabanaynaa,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waxa kaloo uu tilmaamay in 13 xildhibaan oo Golaha Guurtida ah ay hadda hawlo khuseeya nabadgelyada u joogaan Gobolka Sanaag, waxaannu yidhi; “13 nin oo Golaha Guurtida ah baa jira, la kulmi oo markii hore waa la gaadhi waayeyba reerihii, haddase waxa loo ballansan yahay Sabtida haddii Alle yidhaahdo, maalmaha kan kaadh-qaadashada ayey dib ugu riixantay. Sabtida ayaa la gudogalayaa (khilaafka beelaha walaalaha ah), waanna joognaa meesha oo 13 Nin ayaa ku maqan.”

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale caddeeyey in Golahooda Guurtidu ay aqoonsan yihiin Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

“Ma mooganin in Golaha (Wakiillada) khilaaf soo dhex galay, laakiin waxaannu annaguna ku ognahay in laba go’aan dhaceen, mid Golaha ah (oo lagu doortay guddoomiyaha cusub) iyo kii Maxkamadda (qaraarkii Maxkamadda Sare). Maxkamaddii Sare waxa ay xukuntay waa go’aan qaran oo aanay waxba ka dambeyn (meel kale oo looga noqdo lahayd). Meel kale oo loo raaco miyaad haysaan? Markaynu is-jiid-jiidanno ee is-jiid-jiidanno, waxa aan isla tagnaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah. Xukuntay, dee waa kama dambays,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.

Waxa kaloo uu sheegay in Golaha Guurtidu gacan ka gaysan doonaan haddii guddiyada Golaha Wakiilladu dhexdooda xal ka gaadhi waayaan khilaafka u dhexeeya, waxaannu yidhi; “Wixii dhexdooda ah iyagu (goluhu) ha dhammaysteen, guddiyaalna inay u saareen waan maqlayey, inkastoo cum-cum (hadalo la is dhaafsaday) dambe soo gashay, wixii ka dambeeya iyaga ayaa dhammeysan doona, haddii ay dhammeysan kari waayaan, dee markaas ayaannu la eegaynaa (geli doonaa xallinta khilaafkooda), laakiin hadda meel aad igu eridaan ma hayo, meel Maxkamaddii Sare xukuntay, go’aankii waa dhammaaday.”

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo la weydiiyey su’aal ahayd; “Adigu markaa go’aankii Golaha Wakiillada (ee lagu doortay guddoomiyaha cusub) ayaad aqoonsan tahay? Waxa uu ku jawaabay; “Maxaynu u aqoonsannaan weynay. Go’aankii Golaha annagu meel aannu u dhaafno ma aragno.”

Guddoomiyaha Guurtida, ayaa sidoo kale ka hadlay qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee waqtigan ka socda degaannada Gobollada Sanaag iyo Sool, waxaannu yidhi; “Qaran baynu nahay intaas oo arrimahood (qaybinta kaadhadhka, qabsoomida doorashada) waynu ku filannahay mar, maxaynu qaranimada u sheeganaynaa haddii aynaan ku filnayn? Abaartii dhacday, laga soo doog, Illaahay roob keen, wixii dad ah ee caydhoobayna dawladdu gacanta wax waa ku haysaa, waxna waa ururinaysaa, meel fiican ayey marinayaan.”

Waxa kaloo uu kula dardaarmay xisbiyada qaranka in aanay olole siyaasadeed dhex wadin hawlaha qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag, balse xisbiyadu ay ololahooda qabsan karaan marka loo fasaxo ee doorashaduna soo dhawaato.