Hargeysa (JANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka xog-waramay shir caalami ah oo uu kaga qaybgalay magaalada London ee dalka Ingiriiska toddobaadkan.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu sheegay in shirka lagaga hadlay arrimaha garsoorka ee uu ka qaybgalay uu ahaa mid caalami ah oo ay goob-joog ka ahaan weftiyo ka kala socday dalalka Rwanda (Ruwandha), Ghana (Gaana), Thailand, Mexico, Paraguay, Handuras, Hindiya, Sirilaanka (Sri Lanka), Nepal, Malaysiya, Lubnaan, Ingiriiska (Uk) iyo  dalal kale oo ka socday qaaradaha Adduunka, iyadoo uu qayb ka mid ah shirkaasi ka qabsoomay xarunta Chatham House ee magaalada London.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa sheegay in weftiyada ka kala socday dalalka lagu martiqaaday shirkaas caalamiga ah ay booqashooyin ku tageen xarunta Baarlamaanka Ingiriiska, Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha UK, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka, magaalada Edinburgh ee dalka Scotland, gaar ahaan xarunra Baarlamaanka Scotland, Jaamacadda Edinburgh iyo xarumaha hay’adaha garsoorka, xarunta BBC World Services, xafiisyada barnaamijyada lagaga hadlo arrimaha Afrika (Afirican programs) iyo Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da, iyadoo uu Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed mar walba goobahaas ka sharaxay arrimaha khuseeya Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed iyo saraakiisha kale ee ka qaybgalay shirka lagaga hadlay arrimaha garsoorka dalalka Rwanda (Ruwandha), Ghana (Gaana), Thailand, Mexico, Paraguay, Handuras, Hindiya, Sirilaanka (Sri Lanka), Nepal, Malaysiya, Lubnaan, Ingiriiska (Uk) iyo dalal kale oo ka socday qaaradaha Adduunka, iyadoo uu qayb ka mid ah shirkaasi ka qabsoomay xarunta Chatham House ee magaalada London. Nov 2018.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo waraysi kooban magaalada London ku siiyey telefiishanka HCTV, isagoo faahfaahin ka bixiyey shirarka uu kaga qaybgalay dalka Ingiriiska, waxaannu yidhi; “Dib-u-habayn weyn oo dhinaca garsoorka ah ayaa ka socda Somaliland oo la xidhiidha ballaadhinta adeegyada loo fidiyo bulshada, Maxkamadaha guur-guura, casriyeynta dhinaca kaabayaasha ama agabka lagu shaqeeyo, markaas anigoo taas daba socda si aan ugu ololeeyo ayaan halkan (Ingiriiska) u joogaa, waxaanan ka soo qaybgalay shirweyn oo caalami ah oo ay ka qaybgaleen ilaa dhawr iyo toban dal oo ay ka mid yihiin qaar ka socda qaaradda Afrika, sida Somaliland, Ghana (Gaana), Uganda. Dalal ka socday qaaradda Aasiya, sida Hindiya…. Markaa waxa uu ahaa shir weyn oo caalami ah oo lagu wadaagayey waxyaabaha horumarka ah ee laga gaadhayb dib-u-habaynta garsoorka, lana xidhiidhay dhinaca hoggaaminta.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland sheegay in uu shirar gaar ah iyo booqashooyin la qaatay hay’addo iyo masuuliyiin kala duwan oo qaabilsan dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda.

“Meelaha aan booqday ama aan sida gaarka ah ula kulmay waxa ka mid ahaa hay’ado iyo masuuliyiin kala duwan oo aan kala hadlay arrimaha khuseeya garsoorka, caddaaladda iyo guud ahaan danta dalka Somaliland, hay’adaas dowliga ah ee aan la kulmay waxa ka mid ah; Maxkamadda Sare ee dalka UK, Maxkamadda Hoose ee Ingiriiska (Royal Court of Justice), gaar ahaan waaxda bixisa tababarrada oo ay ku jiraan xubno garsoorayaal ah iyo xubno ka socda Golaha Garsoorka, waxa kaloo aan la kulmay Xarunta Golaha dusha kala socda ciqaabta dambiilayaasha ama xukunka lagu ridayo qofka dambiilaha ah (The Sentencing Council for England and Wales) oo ah gole la shaqeeya Wasaaradda Caddaaladda UK, waxa kaloo aan arkay si aan khibrad uga soo korodhsado Golaha dusha kala socda ama haga qareennada ku shaqaysta xirfadooda, kuwaasoo aan wax badan ka soo bartay, isla markaana aan doonayo in aannu ku soo xidho qareennada Somaliland, si ay wax ula qabtaan, una dhisaan awoodooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Xubnaha masuuliyiinta ah ee aan sida gaarka ah ula kulmayna waxa ka mid ah; MP Stephen Doughty oo ah Guddoomiyaha xubnaha ku jira baarlamaaanka Ingiriiska ee u ololeeya qaddiyadda Somaliland (All-party Parliament Group on Somaliland), xildhibaankaas oo laga soo doorto degaanka Cardiff, MP David Hanson oo ka tirsan Guddida Caddaaladda Barlamaanka UK (House of Commons), Ben Lyster-Binns oo ah Madaxa qaybta isku-jirka ah eee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalalka Somaliland iyo (Head of Joint Foreign & Commonwealth Office-Department for International Development Somalia Unit),  Julia Sutherland oo ah Ku-xigeenka Madaxa Ka-hortagga Argagixisadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska (Deputy Head, Counter-Terrorism Department) Masuuliyiintaas aan la kulmay waxa aan dhammaantood kala hadlay danta garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, iyadoo aan si guudna uga xog-waramay horumarka kala duwan ee dalka Somaliland ku tallaabsaday 27-kii sanno ee u dambeeyey, waxa kaloo iyaguna ii hadhay kulamo kale oo ay ku jiraan jaamacaddu kala duwan oo aan ka jeediyo khudbado la xidhiidha xaalaha Somaliland iyo dib-u-bahaynta hay’adaha garsoorka ee dalka.”

“Waa run oo waxa waddankan Ingiriiska ku sugan weftiyo kala duwan oo ka socda Somaliland oo qayb ka mid ah uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, laakiin aniga safarkaygu waxa uu ahaa mid ka duwan oo weftiyadaas kamaan mid ahayn, waxaanan u soo baxay hawlaha gaarka u ah dhinaca garsoorka iyo caddaaladda, wax badan ayaana iiga hirgalay ujeedooyinkii socdaalkayga, iyaguna (weftiyada kale) waxa safarkoodu ka dhashay go’aan lagu gaadhay Golaha Wasiirrada oo ahaa in la isku soo dhaweeyo bulshooyinka qurbo-joogga iyo jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool halkan (Ingiriiska) oo dadka kala duwan lala kulmo, taas ayey u socdaan, markaa waxa aannu ahayn kala laba wefti,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.