Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Digniin U Diray Xukuumadda Shacbigana Farriin U Mariyay Warbaahinta

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn #Somaliland ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in xukuumaddu warbaahinta madaxaa-banaan kusoo rogto cashuurro aan sharci ahayn oo aannay Baarlamaanku ansixin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Crro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu ku tilmaamay cashuurtaa mid aan sharci ahayn oo la doonayo in cabsi-geliyo warbaahinta madaxa-banaan oo sida uu sheegay ah awoodda afraad ee qaranka, isla markaana kaalin weyn ugu jirta Bulshada Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu guddoomiyaha WADDANI, farriin u diray shacbiga Somaliland, isagoo ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’idaystaan fursada diiwaangelinta.

Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya arrimahaa.