Araweelo News Nework

Dhalinyarada u fadhiisatay Imtixaanka

Hargesa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland ayaa muwaadiniin tiradoodu aad u badan tahay oo shaqo doon ah u fadhiisiyay Imtixaan ay ku kala saarayso  si ay u buuxiyaan 21 shaqo oo ka banaan Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

 

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal uu kaga warbixiyey Muwaadiyiinta ay Hay’adda Shaqaalaha ee dawladdu Imtixaanka ay Hargeysa ku qabteen uga qaaday dadka tiradda badan ee 21 shaqo oo ka banaan inay buuxiyaan Hay’adda shaqaalaha Dawladda oo Qoraal uu kaga hadlay waxa uu soo dhigay Barkulankiisa uu Facebook-ga ku leeyahay, waxaanu tafaasiil kaga bixiyey qaabka uu Imixaankan dadka shaqo doonka ah laga qaaday u dhacay iyo xiliga Natiijadda ay Baahin doonaan oo soo bandhigi doonaan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa dadka shaqo doonka ah ay ka qaadeen kaga hadlay u dhignaa sidan:-

Imtixaankankii iyo xog qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ka lahayd ujeedo ka fog helida 21 guulayste oo si wanaagsan u soo dhamaaday

-Illaahay fadligii waxa si wanaagsan u soo dhamaaday imtixaankii loo galay tartanka shaqaalaha naga caawin tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda

– Ka sakow tirada guulaysan doonta waxaa hay’adda shaqaalaha dawladda maanta wixii ka dambeeya u suuro-gashay helida tiro ku filan in lagu bilaabo barnaamijka “kaydka shaqo-doonka” kaasi oo shaqo-doonkana u fududayn doonta in aanu kolba shaqo soo xaraysan halka hay’addana ay u sahli doonto imtixaamo xirfad gaar ah uun ku kooban “Tailored Examinations”

-Walaw maaraynta tirada tartamayaashu hawl badnayd maadama aanu u xidhnayn xirfad ama kuliyad gaar ah taasi oo ay keentay in shaqadani aanay ahayn mid aqoon gaar ah u baahnayd oo ay keliya qabanayaan enumeration haddana si wanaagsan ayaa loo maareeyey iyaguna isku maamuleen

-Waxa sido kale shaqo-codsadayaashii maanta ay heleen fursad ay isku tijaabiyeen si meelaha ay arkaan in ay ku hooseeyan kor isaga soo qaadaan

-Alle ka sakow waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo si uun gacan uga gaysayay hawshan waxaanan bogaadinayaa shaqo doonkii maanta sida rejada,aqoonta iyo dedaalku ka muuqday imtixaanka u gelay.

Degdeg ayaan natiijada u soo saari doonnaa Insha Allah, ayuu yidhi, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed