Hargeysa(ANN)-Qaar ka mid ah Hay’addaha Xukuumadda Somaliland, ayaa lala xidhidhiyay inay ku lug leeyihiin arrimo la xidhiidha musuq-maasuq iyo maamul xumo, sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan siciid Xaaji Afweyne oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka.

Xildhibaan Siciid, oo ka warbixiyay kulan Albaabada loo xidhay oo ay maanta la yeesheen Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Dirir, wuxuuna Xildhibaanku u xaqiijiyay Warbaahinta in Hanti-dhawraha kulanka ay la yeesheen ugu soo gudbiyay warbixin uu ku sheegayo in 14 Hay’addood oo ka mid ah Hay’addaha Dawladda oo ka mid ahaa Hay’addo ay baadhitaan ku sameeyeen ku oggaadeen in ay ka jiraan musuq-maasuq iyo maamul-xumo.


Xildhibaanka iyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo arrintaa ka hadlaya halkan ka Daawo.

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Dirir, Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wedka), 22 Feb 2020. Araweelo Channel.