Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 14th, 2019

Somaliland Iyo Djibouti Oo Heshiis Kala Saxeexday

Smiley face


Heshiiska Labada Dal Ayaa La Xidhiidha Dhanka Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda

Djabouti(ANN)-Dalalka Somaliland iyo Djibouti, ayaa kala saxeexday Heshiis dhanka isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiwali Sh. Cabdullaahi Suufi oo maanta kusoo laabtay Magaalada Hargeysa, kadib booqasho saddex maalmood ah oo ay ku tageen Djibouti horaantii todobaadkan, waxa uu warbaahinta hadal kooban oo la xidhiidha ujeedada safarkaa ku sheegay in ay heshiiskaa wada saxeexdeen labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti.

Dr. Cabdiweli, wuxuu sheegay in isaga iyo xubnaha safarkaa ku weheliyay kulamo iyo shirar dhexmaray masuuliyiinta dhiggooda ah ee Djibouti arrimo la xidhiidha addeegyada dhinaca Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha, kadibna ay saxeexdeen heshiiskaa oo labada Wasiir ee Boosaha, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi iyo dhigiisa Djibouti Cabdi Yuusuf Suge qalinka ku duugeen.

Dhexda labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi  iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, dhinacyada labada wakiil ee labada dal,  14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.
Dhexda labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, dhinacyada labada wakiil ee labada dal, 14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.

Heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti, wax faahfaahin ah kama bixin Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh  Cabdullaahi, wuxuu ku tilmaamay mid horumar u ah dhanka Bulshadda Somaliland.

labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi  iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, labada wakiil ee labada dal iyo saraakiil kale,  14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.
labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, labada wakiil ee labada dal iyo saraakiil kale, 14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.

Ma cada waxyaabaha nuxur ahaan uu xanbaarsanyahay heshiisku iyo xiliga ay labada xukuumadood dhaqan gelinayaan, waxaana Wasiirka ku weheliyay Wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti, CabdiFataax Siciid, Wakiilka Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar, Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim ee wasaaradda  Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp