Hargeysa(ANN)-Xukuumada Somaliland, ayaa uga digtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya innay faragelin ku samayso Hawadeeda (Somaliland Airspace), isla markaana ay ilaaliso jaarnimada ka dhaxaysa, Laba dowladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu sheegay duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol oo ah Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada Somaliland.

Maareeyaha Duulista Hawada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu warbaahinta la hadayay, isagoo daba socda warar labadii maamlood ee u danbeeyay soo baxayay, kadib markii Hawada laga celiyay Diyaarad Fly Dubai oo dhinaca dalka Imaaraadka ka timi, taas oo siday rakaab doonayay inay kasoo degaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, isla markaana ay iman weyday Khamiistii diyaarada Ethiopian Airline duulimaadkii ay ku iman lahayd Hargeysa, iyadoo aannay duulimaadyadda Ethiopian Airline ku jirin liiska xukuumadda Somaliland soo saartay todobaadkii horre, balse arrimaaha baaqashada duulimaadka Hargeysa iyo Addis Ababa iyo diyaarada Fly Dubai ee laga celiyay hawada maalmihii u danbeeyay, ayaa lala xidhiidhiyay inay ku lug lahayd dawladda Federaalka ee Soomaaliya.


Wakiilka Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay Maxamed Warsame Ducaale, ayaa arrinta diyaarada Flydunida ee laga celiyay Madaarka Caalamiga aha ee Egal Internationale Airport ee Hargeysa kaga hadlay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku eedayay dawladda Federaalka, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinaysa cadaawad cad iyo dagaal cusub oo ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya shaacisay inay la gelay Somaliland.


Hase yeeshee Mareeyaha guud ee Duulista iyo Hawada Somaliland oo xusay faragelinta dawadda Federaalka ee Soomaaliya ee Hawada Somaliland, balse aan sharaxaad ka bixin, arrinta faragelinta, ayaa sheegay in Somaliland u madax-banaan tahay xuduudaheeda Hawada, Badda iyo dhulka, isagoo si gaar ah u tilmaamay in mas’uuliyada hawada iyo maamulka Madaarada ay leedahay Xukuumada Somaliland.


Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliland Mr. Rodol, wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomalaiya inay ka faa’iidaysanay arrin caalamiya oo ka dhaxeeya dunida, balse si cad uma qeexin waxa dunida ka dhexeeya ee ay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka faa’idaysanay, wuxuuna uga digay in dawladda Soomaaliya ay isku deyayso inay khal-khal galiso arrinkaasi.


Dhinaca kale, duulimaadka Diyaarada Ethiopian Airline ee Hargeysa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Dowladda Federalka Soomaaliya qoraal kasoo baxay ay ku sheegtay innay muddo laba maalmood ah fasaxday dhammaan Diyaaradaha keenaya Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka, iyadoo sida lagu sheegay xayiraadii hore ee ku taariikhaysnayd 19 March 2020, lagu daray laba maalmood.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ku taariikhaysan 21 March 2020, ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay uu yahay mid ka dhashay cabasho ka timi Muwaaddiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh inay kusoo laabtaan dalkooda.

Qoraalka Wasaradda Gaadiidka waxaa ku cad in Diyaaraddaha la oggol yahay ay yihiin kuwa sida Dawooyinka iyo Raashinka oo keliya, balse annay diyaarado kale dalka soo geli karin.


Sidoo kale, waxa qoraalka lagu xisay in loo hoogaansamo amarada wasaaradda Caafimaadka ee la xidhiidha muwaadiniinta soo maray wadamada uu xannuunka Coronavirus saamayeeyay.

Dhinaca kale, Ururka Duulista Hawada Caalamiga ah, ICAO, ayaa soo horaantii Jan, 2020, soo saaray digniin ku aaddan Soomaaliya oo ay ku sheegay in haddii ay sharci dhammaystiran oo deg deg ah meel marin weydo dawladda Federaalka ee Soomaaliya si loo helo maaraynta baahida iyo in ay awood ugu yeelato maamulka duulista hawada Soomaaliya oo ay usii wadato hawadeeda.

ICAO waxay sheegtay in haddii ay dowladdu ku guuldaraysato inay u hogaansanaato sharciga, ay waayi doonto guulihii ay usoo hoyday muddo dheer si ay ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana waqti dheer ay ku qaadan doonto sidii dib loogu soo celin lahayd, waxayna ICAO ku dhiirigelisay dawladda Federaalka meel marinta iyo dedejinta sharciga duulista oo ay golaha Wakiiladda Soomaaliya ansixiyeen, balse xilligaa horyaalay Aqalka sare ee Odayaasha.

” Soomaaliya waxay ku dallici doontaa shirkadaha diyaaradaha inay adeegsadaan hawadeeda isla markaana ay heli doonaan lacag badan oo gacan ka geysata dib u dhiska Soomaaliya.” ayay ICAO, ku tidhi, qoraalkeeda xilligaa.
“Sharciga duulista rayidka wuxuu badbaadin doonaa Soomaaliya malaayiin doolar sannad kasta oo uu waddanku lumiyo isticmaalka hawadda, waxayna kor u qaadi doontaa madaxbanaanida hawada Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo ku hawlanayd xilligaa meel marinta sharcigaa.