Warbixin by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland

Yube-Badhan(ANN)-Saacadihii lasoo dhaafay waxa soo baxayay in koox ka mida dagaalyahanka Alshabaab ay soo galeen degaanka Bariga Sanaag ee lagu magcaabo Gacan Maroodi ee Buuralayda Silsilada Golis oo dhinaca Woqooyi ka kulaalaya Yube oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wararka la xidhiidha Alshabaab in lagu arkay Degaanka oo qaar ka mida warbaahint maxaliga ee Puntland ay sheegeen ma jrin cid xaqiijisay sugnaanshahooda, balse masuul ka tirsan Ciidamada Puntland oo u waramay warbaahinta maamul Gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in koox ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo tiradooda uu ku sheegay 70 ay galeen Degaankaa oo ah gudaha xadka Somaliland .

Jiritaanka wararka waxa si adag u beeniyay Guddoomiyaha Degmada Yube Boqor Ibraahin Maxamed Xasan, wuxuuna isagoo ku sugan xalay deegaanka Yube u sheegay Weriye Cabdishakuur Haybe oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay in aan waxba ka jirin warkaa.


Guddoomiyaha Yube, wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Alshabaab soo galeebn deegaankaa kuwo laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadeeed oo ka dhan ah degaanka, Isla markaana, wuxuu ku eedeeyay masuuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland inay wararka noocaa ah oo dacaayad ah ka ka leeyihii danno siyasadeed iyo in lagu carqaladeeyo Nabadgalayada Somaliland.


“Deegaanka ay sheegayaan annaga ayaa joogna, waa deegaankayagii, ma jiraan wax soo galay iyo wax jooga, wana warar been abuur iyo dacaayad ah oo maamulka Puntand doonayo inuu ku carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka iyo deganaanshaha Somaliland” ayuu yidhi, Guddoomiye Ibaaraahim.


Sidoo kale, wararka La xidhiidhay In koox ka mida Alshabaab ay soo galeen degaanada bariga Gobolka Sanaag,oo warbaahinta qaarkeed ay faafiyeen, iyagoo soo xiganaya saraakiisha Puntland ayaa noqday kuwo aanay waxba ka jirin, sida ay xaqiijiyeen dad kale oo ku sugan deegaanka.

Alshabaab waxay xarumo ku leedahay Soomaaliya, iyada oo dagaal kula jirta dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay Dawlada Somaaliya iyo ciidamada Amison ee Ilaaliya Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddihii ka horeeyay, iyadoo weeraro iyo qaraxyo ka waday Magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo Badiba Degaanada Koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Galgala oo ka tirsan deegaanada Puntland ee Buuralayda Calmadow ee duleedka koonfur galbeed kaga beegan Boosaaso ayaa lagu arkay 2010, kooxdaa oo ku bilaabantay xilligaa malayshiyo dadka deegaanka ah oo diidanaa in macdan iyo khayraad kale maamulka Puntland oo adeegsanaya shiraddo shisheeye ka gurtaan deegaanka, waxa horjooge u noqday Sheekh Maxamed Attam kaas oo 2015, si cad uga dhawaajiyay inay ku biireen Ururka Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Ururweynaha Al-Qaida ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sh. Attam iyo kooxdiisa ka mid noqday dagaalyahanada Alshabaab, waxay kordhiyeen xilligaa weerradii ay ku hayaan maamulka Puntland iyo dagaalkii ay kula jireen, iyagoo marar badan weeraro iyo qaxyo ka gaystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuaas oo sababy khasaare badan ay u geysteen ciidamada maamulka Puntland oo muddo sanando ah ay dagaal kula jiraan, welina kulaalayaan magaalada Boosaaso oo ah deegaanka galgala ee saldhiga u ah kooxdaa mudada dheer.

Kooxda Alshabaab ee fadhigoodu ahaa Deegaanka Galgala, ayaa Sannadkii 2016, si lama filaan ah u shaaciyey inay ku biireen Kooxda Dacaashish ee ka dagaalama Suuriya, Ciraaq iyo meelo kale, waxayna mudadaa joogteeyeen weraradii iyo hawlgalaadii ay ka fulinayeen gudaha magaalada Boosaaso iyo Wadada halbawlaha ah ee isku xidha Garoowe Iyo Boosaaso.

Waxaana la xusuusan yahay in weerraradii ugu khasaaraha badnaa ay ugu danbeeyeen weerrarkii, June 2018-kii ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Badda Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso oo ay deganaayeen Ciidanka ay Tababartay Shirkadda hawgalada iyo tababarka ee Saracen oo loo soo gaabiyo (SCS), iyagoo saldhigaa ka kaxaystay gadiid iyo saanad Millateri, isla markaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ciidanki ku sugnaa Saldhigaa.


Maaha markii u horreysay ee Maamulka Puntland sheegaan in deegaanka Bariga Sanaag ee xadka Somaliland ay soo galeen Alshabaab, balse waxa marar baddan dhacday in Maamulka Puntland sheegaan warar noocaa ah, iyagoo xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay gacan siiso Kooxda Degan Galgala ee uu hore horjoogaha ugu ahaa Sheekh Maxamed siciid Attam ka hor intii aanu kala wareegin Sh Cabduqaadir Muumin oo ah Hogaamiya Xilligan ee kooxda Galgala, Laakiin Somaliland way beenisay eedaymahaa.

Sh Cabduqaadir Muumin oo ah Hogaamiya Xilligan ee kooxda Galgala ayaa la rumaysanyahay inuu ahaa Maskaxdii ka danbaysay In Kooxda fadhigeedu yahay Galgala ay 2015, si cad u sheegaan inay ku biireen Daacish oo ah kuwa loo soo gaabiyo ISIS, dawladda Islaamiga ha ee hoggaamiyahoodii Abu Bakar Al-baghdadi, Maraykanku sheegeen inay dileen Oct, 2019.


Alshabaab, ayaa xilligaa si weyn uga cadhootay in Sheekh Cabduqaadir iyo kooxdiisa fadhigoodu ahaa Buuralayda Galgala ku dhawaaqaan inay ku biireen Daacish, waxaana wixii mudadaa ka danbeeyay marar badan ay mararbadanMaamulka Puntland Warbaahinta ka sheegeen in lagu Khaarajiyey Sheekh Cabduqaadir Muumin hawlgalo Maraykanka Iyo Xulafadiisi ay ku fuliyeen degaankaasi, Balse Sheekh Cabdiqaadir ayaa warkii ugu danbeeyay ee sheegayay in ka khaarajiyay beeniyay horaantii sannadkan ay nu jirno ee 2019.